Maareeyaha Dekeda Berbera Oo Beeniyey In Shirkada DP World Shirkad Kale Kula Tartamayso Dekeda Berbera
Maareeyaha Guud ee Dekeda Caalamiga ah ee Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor) Ayaa Beeniyey Warar La Faafiyey Oo Aan Sal iyo Raad Toona Lahayn Oo Kusaabsan In Shirkada DP World Ay Tartan Kulan Jirto Shirkad Kale Waxaanu Arintaasi Kaga Hadlay War Saxaafadeed Kooban Oo Kasoo Baxay Xafiiska, Waxaanu Ku Yidhi Sidan:- “Halkan Waxaan Idiinku Cadeynyaa in aanu jirin war iga soo baxay oo kusaabsan in Shirkad Tartan Kula Jirta Shirkada Dubai Ports World ee Heshiiska iyo Wadahadalada Kusaabsan Dekeda Berbera ay La Leh Xukuumada Somaliland, Waxaanan Cadeynayaa In uu Warkaasi Been abuur yahay oo aanay waxba ka jirin. Saxaafada Madaxa banaan Waxaan ku Boorinayaa inay ka dheeraadaan Wararka Been Abuurka ah, Bulshada Wararka Xaqiiqdaa ku dhisan u gudiyaan”Ayuu ku sheegay Warsaxaafadeedkisa Cali Xoorxoor. Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor) Maareeyaha Guud ee DekedaBerbera.