Isu-duwaha Cafimadka Togdheer Oo Faro Galin ku Sameyay Maamulkii Cisbitalka iyo Shaqalaha

0
520

Isu-duwaha Cafimadka Togdheer Oo Faro Galin ku Sameyay Maamulkii Cisbitalka iyo Shaqalaha Cisbitalkasi Oo Walaac Xoogan ka Muujiyay. Tan iyo Wakhtigii Wasiirka Wasaradda Cafimadka Somaliland usoo Magacabay isu-duwaha cafimadka togdheer Yuusuf Dirir isla markaasna xilkii ka qaaday isu-duwihii Hore Cafimadka Dr Cabdi Yasin Xaji Saleban ayaa waxa mudoyinkii u danbeyayba soo ifbaxayay dhawaaq ka soo yeedhay shaqalaha kale duwan ee ka howl gala Cisbitalkasi kaasi oo ku wajahan Faro Galin qaawan oo ay shegeen inuu ku hayo isu-duwaha cusub cafimaadka togdheer Yuusuf Dirir Qaar ka Tirsan Dhakhatiirta iyo Shaqalaha kale Duwan Ee ka Howl-Gala Cisbitalka Guud Burco Oo Saxafadda u Waramayay ayaa Cadeyay inuu isu-duwaha cafimaadku Shaqo ka Dhigtay inuu soo faro-galiyo shaqadii Agasimaha Cisbitalka iyo Dhamaanba Shaqalihii Kale Duwan ee ka Howl Gala Cisbitalkaasi, Waxaanay Sidoo kale Tilmameen inuu isu-duwuhu ku Kacay Arrin Dhabar jab ku ah Wasaradda cafimadka isago oo ay tilmameen inuu xilkii ka qaaday Agasimihii Cisbitalka oo Aanu isu-duwuhu Xaq u lahayn balse uu xilka ka qaadi karo agasimaha cisbitalka Wasiirka Cafimaadka Oo Kaliye, Wasaradda Cafimadka Togdher ee uu isu-duwaha ka yahay Yuusuf Dirir ayaa mudoyinkii u danbeyayba ahayd Mid Aanu isu-duwuhu haba-yaratee aanu usoo shaqo tagin balse uu isu-duwuhu shaqo ka dhigtay inuu subax-kastaba iska soo xaadiriyo Cisbitalka Guud halka Aanu Haba-Yaratee usoo shaqo Tagin Xafiiskisii Wasaradda Cafimaadka, Shaqalaha Kale Duwan ee ka howl gala Cisbitalka Guud Ee Magaladda Burco ayaa iyagu muddo lix Bilood ah aan Qaadin haba-yaratee Wax Mushahar ah, Faro Galintani Uu Shaqalaha Cisbitalka ku Sameyay isu-Duwaha Cafimadka Togdheer ayaa hadii Aanu Soo Faro-Galin Wasiirka Cafimaadku Waxay Sababi-Kartaa inay Shaqaluhu Sameyaan Shaqo Joojin Maadama Oo Aan la Siinin Wax Mushahar ah ayna usii Dheer Tahay Faro-Galin Qaawan Oo Maalin Kastaba Joogto ah, Ugu Danbayntii Dadwaynaha ku Nool Magaladda Burco ayaa iyagu Mudoyinkii u Danbeyayba si wayn u Dhaliilsanaa Habka Maamul Ee Wasaradda Cafimaadka Togdheer Taasi Oo ka Gaabisay inay Wax ka qabato Baahiyaha Cafimaadka Togdheer,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here