Gudoomiyaha Gobolka Sool Oo Ka Waramey Halka Ay Mareyso Nabadeytii Laga Dhexwadey Beelihii Ku Dagaalamey Degaanka Dharkeyn Geeye.

0
442

Guddoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine),ayaa sheegay in soo af-jaridda dirirtii dhimashada sababtay ee ku dhex martay labada beelood walaalaha ah deegaanka Dharkayn-geeyewejigiii koowaad guul laga gaadhay

ka dib kulamo iyo wada hadal ay ergada Madaxdhaqameedka iyo Guurtida isugu jirta ee Madaxweyne Siilaanyo u xulay nabadaynta labada beelood markii ay labadii malmood ee ugu dambeeyay ay kulamo la lahayeen beesha Bahararsame oo ahayd beesha dhimashadu ku badnayd isla markaana laga sugayay go’aanka ah in ay nabad qaataan.

 Waxaa kale oo uu Guddoomiye Shiine intaa ku daray in beesha Bahararsame ay shalay soo saartay kuna dhaaaqdaybaaq nabadeed,iyadoo ay hore Beesha Qayaad u soo saartay baaq nabadeed.Waxaanu sidaa ku sheegay waraysigaar ah oo uu xalay khadka Telefoonka ku siiyay Wargeyska DAWAN, isagoo ku sugan Laascaanood.”Ergadii nabadaynta labada beelood u socotay ee Guurtida iyo Madaxdhaqameedka isugu jirtay waxay labadii maalmood ee hore kulamo isdaba joog ah ay la lahaayeen beesha Bahararsame oo ahayd beesha dhankooda ay dhimashadu ku badnayd islamarkaana laga war sugayay in ay nabada qaataan Bahararsamena nabadii way qaateen waanay ku dhawaaqeen in ay nabad qaateen taasina waxay soo af-jartayweigii koowaadeenabadaynta kol haddii labadii beeloodba ay nabad qaateen,”ayuu yidhi Guddoomiye Mustafe Shiine.

 

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray “Imika labada dhinacba nabad ayay qaateen dhinacii dhimashadu ku badnayd iyo ergaduna way is arkeen dhinaca kalena maanta ayay la kulmayaan intaa wixii ka dambeeyana waxaa loo gudbi doonaa isu keenidooda.”

 

Guddoomiyaha oo aanu waydiinay dil ka dhacay deegaanka Yayle toddobaadkii hore oo laba qof lagu dilay waxaanu yidhi “Dilkaa arrintiisu meelwanaagsan ayay maraysaa wax dhibaato ahina kama dhex dhicinbeelihii ayka soo jeedeen labadii Marxuum iyogacan ku dhiiglihii dilka geystay,ciidanka ammaankuna arrinta gacanta ayay ku hayaan waxaana loo xidhay dhacdadaa dilka ah oo u xidhan imika odayaal ka soojeeda beesha gacan ku dhiiglaha oo ku xidhan Caynaba.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka SoolMustafe Shiine.

Source:-Dawan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here