Maroodi ku nool dalka Zimbabwe ayaa laga daweeyay dhaawac rasaas ah kadib markii ay koox ugaarsatada faanta maroodi ay isku dayeen inay diaan.
Wararka ka imanaya dalka Zimbabwe ayaa sheegaya in koox dhakhaatiirta xoolaha ay ku arkeen maroodigan xero lagu xanaaneeyo xayawaanka ee Mana Pools National Park.
Maroodigan ayaa loogaga dhuftay madaxa rasaas iyadoo la aaminsan yahay in uu dhaawacan qabay ugu yaraan shan toddobaad. Xerada Mana Pools ayaa waxa ay u ahayd bar tilmaameed kooxaha ugaarsada xayawaanada gaar ahaan maroodiga si ay u iibgeeyaan faantiisa.
Kooxda dhakhaatiirta ahayd ee daweysay maroodiga ayaa suuxiyay kadibna waxa ay ka qaadeen raajo ama x-ray iyagoo nadiifiyay
Dr Lisa Marabnini oo hogaaminaysay kooxdan dhakhaatiirta ah ayaa sheegtay inuusan u baahnayn qalliin maroodigan balse ay wanaagsan tahay in sidiisa loo daayo. Balse dhakhtarada ayaa sheegtay in Maroodigan oo 25 jir ah uu u baahan yahay in daweyn kale lagu sii sameeyo.
“Waxay u dhowdahay in maroodigan lagu soo toogtay meel ka baxsan xerada balse uu u soo galay xerada lagu xanaaneeyo xaywaanka inuu nabad helo,”ayay tiri Dr Lisa.
Lisa ayaa intaas sii raacisay in maroodigan oo loogu magac daray Pretty Boy ama Wiilkii Qurxanaa uu u soo dhowaaday kooxda dhakhaatiirta ah isagoo aysan ka muuqan wax cabsi gelin ah. “Waxaan u malaynay inuuba ogaa inaan u nimid sidii aan u caawin lahayn.”ayay sii raacisay Dr Lisa.
Horaantii sanadkan ayaa lagu diley xerada Mana Pool wiil iyo aabihii oo Talyaani ah kadib markii lagu qalday in ay ahaayeen kooxaha ugaarsada xayawaanka.