Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ka tirsan Xildhbaanada Golaha Wakiilada ayaa Xukuumadda iyo Hay’addaha amniga ugu baaqay in wax ka qabtaan talaabana ka qaadan Madax-dhaqameedka looga gacan haadinayo Muqdisho, waxaanu sheegay in haddii laga aamuso ay ka sii dari doonto. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Ingiriiska iyo Turkigu aanay marnaba qaadacad ka ahayn wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu si gaar ah u sheegay in xaqiiqada la iska indho tirayo waxaanu yidhi isagoo arimahan ka hadlayaa
“Turkiguna dhex ka noqon maayo wada hadalada, Ingiriiskuna dhex ka noqon maayo, labaduba maabadida ay ku shaqeeynayaan weynu naqaana, Ingiriisku wuxuu aaminsan yahay weynu ognahay oo Safaaradiisi baa xamar ka furan, Ciidamadiisi iyo Khubariidisa baa jooga, Turkigna waa ka shaqeynaya ee Safaaradiisi ugu weynayd Xamar ka furtay, Ciidamadii buu u tababaraya, inagana qunsuliyadii buu inaga furay, wax walba weynu ognahay balse irbada suuxdinta ayeynu isku mudnaa, laakiin irbadaas suuxdintu inama wadayso Somaliya haddii aynu la hadlayno waa in mabaadida dhabta ah aynu ka hadalnaa ee maaha inaynu xeebta ku wareegno inaga malaa wax kale u jeedna oo lacag ayaa malaa ina luxaysee waa inaynu Somaliya xaqiiqda kala hadalnaa.”