Professor Axmed Ismaaciil Samater ayaa ka hadlay shucuurtiisa ku aadan ku biiritaankiisa KULMIYE, waxaana uu Aqoonyahaynku sheegay inay maalmahani ka mid yihiin maalmihiisii ugu farxadda iyo rayraynta badanaa waxaana uu hoosta ka xariiqay inay ku biiritaankiisa KULMIYE taariikhda u gali doonto isaga. Siyaasiga Axmed Ismaaciil Samater ayaa sidoo kale sheegay in dadka reer Somaliland ay gaadhsiiyeen meeqaam aanu u qalmin, waxaana uu yidhi isagoo arrimhaas ka hadlaya:
“Maalintan waa maalin aanan ilaabi doonon.Da’ walba waan jiraa oo maalmo badan oo isoo maray oo farax leh, qaar murugo leh ayaa I soo maray, laakiin maanta waxay ag taala oo ay la mid tahay maakn aad iyo aad iig weyn oo bishii June 2013 kubjirta oo markii aan waddanka ku soo noqday ah op waddanka aan ku soo wargeeay. Magaalada Boorame khayryadeeda ay toddobaatan kun iyo in ka badan isugu soo baxeen oo aanab ilaabi karin. Waa maalin ruuxdayda oyo dhuxayga ku jirta in sharafka caynkan ah anigoon u qalmin in la I siiyo.
Axmed Ismaaciil Samater oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi:
“Waxa kale ee aan doonayaa inaan goostay inaan wax ku soo biiriyo taagtaydu ha iska yaraatee ummadda Somaliland hore u socodkeeda iyo dhis maheeda waqtiga soo socda, anigoo isticmaalaya oo gelaaya qaab-dhismeedka xisbiga KULMIYE,” ayuu yidhi Siyaasi Axmed ismaciil Samater.