Wasiir Cukuse Oo La Weriyey in Uu Hor-joogsaday Qiime-dhimis Uu Mid Ka Mid Ah Maxjarrada Hubiya Caafimaadka Xoolluhu U Sameeyey Ganacsatada.

0
416

Wasiir Cukuse Oo La Weriyey in Uu Hor-joogsaday Qiime-dhimis Uu Mid Ka Mid Ah Maxjarrada Hubiya Caafimaadka Xoolluhu U Sameeyey Ganacsatada. Warbaahinta Oo Heshay Dhukumentiyo Kasoo Baxay Wasaaradda Xanaannada Xoollaha Oo Wasiir Cukuse Ku Dhaqan-geliyey Khidmad Cusub Oo Maxjarradu U Jarayaan Xukuumadda    Xukuumadda Somaliland ayaa la weriyey in ay amar ku bixisay dhaqan-gelinta khidmad cusub oo lagu kordhiyey maxjarrada xoollaha ee ku yaalla magaallada Berbera.    Qoraal ay warbaahintu heshay oo ka soo baxay xafiiska wasiiirka xanaannada xoollaha Somaliland oo lagu socodsiiyey saddexda maxjar ee lagu xanaanneeyo xoollaha ka dhoofaya dekedda Berbera ayaa lagu sheegay in khidmadii hore ee laga qaadi jiray lagu kordhiyey neef kasta qadar dhan $0.3 senti, sidoo kale taas bedelkeedana uu wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) horjoogsaday qiimo-dhimis uu mid kamid ah maxjarradaasi ku sameeyey lacagtii ay ganacsatada ka qaadi jireen.     Warar xogogaal ah oo Wargeyska HUBAAL helay ayaa xaqiijiyey in Manxjarka Berbera National Animal Quarantine Company oo ka mid ah saddex Maxjar ee hubiya Caafimaadka Xoolaha dalka ka dhoofaya ee ku yaalla Magaalada Berbera uu u sameeyey ganacsatada reer Somaliland ee xoolaha dhoofisa, lacagtaas oo ahayd khidmad neefkasta laga qaadi jiray 4 doolar isla markaana ay masuuliyiinta maamusha maxjarkaasi kaga dhigeen inay calaa-neef ka qaaddaan 1 doolar. Maxjarka Berbera National Animal Quarantine Company oo hore neef kasta oo lagu sii caafimaadiyo ka hor intaan loo dhoofin dalalka dibadda ka qaadi jiray khidmad dhan $ 5.5 Dollar, oo $1.5 ka mid ah wasaaradda maaliyadda loo xareeyo, halka ay maxjaradu qaadan jireen $4 ee soo hadhay.  Maxjarkan ayaa dhawaan soo saaray go’aan ay qiimo dhimis wayn ugu sameeyeen dadka xoolaha dhoofsada, isla markaana go’aankaas qiima-dhimista ah ayaa waxa ka biyo diiday oo si cad u horjoogsaday Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mr Cukuse, kaas oo wareegto uu ku saxeexan yahay oo uu soo saaray 2/6/2016-ka ku amray maamulayaasha saddexda maxjar inaanay samayn karin wax qiimo dhimis ah (Discount).  Wareegtadan uu wasiirku soo saaray ayaa si wayn uga hor imanaysa xoriyada ganacsiga ee muwaadiniinta wadanka, taas oo aan wali taariikhda Somaliland lagu arkin ganacsato qiimo-dhimis samaysay oo ay xukuumadu sanka kaga tolayso inay kor u qaadaan adeegyada ay bulshadda u qabanayaan.  Wareegtadan Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta, ayaa u dhignayd iyadoo dhamaystiran sidan :- “Tixraac: Heshiiska ku taariikheysnaa 8/04/2007 ee ay wada galeen Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Maxjarka Suadi Emirates.  tixraac  Tixraac: Heshiiska Summaddiisu ahayd Mol/m/14/258/2012 ee ay wada galeen Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Maxjarka Berbera National Quarantine. Tixraax: War-saxaafadeedkii Madaxweynaha ee Taariikhdiisu ahayd 02/06/2016 ee Madaxweynuhu ku amray inaan waxba laga beddeli karin heshiisyadii hore loola galay Maxjarrada ee Caafimaadinta Xoolaha dhoofaya lana joojiyo Isku Eriga u dhexeeya Maxjarrada.  Tixraac: Talo-bixintii ay soo jeediyeen Dhakhaatiirtii Kormeerka qiimeynta ah ku soo sameeyay Saddexda Maxjar ee Berbera ku yaalla. Haddaba iyadoo intaas oo dhan la tixgelinayo isla-markaana aan maanka ku hayno muhiimadda dhaqaale ee Xooluhu u leeyihiin Dadka iyo Dalkaba waxaanu go’aaminay inay sidoodii u jiraan Heshiisyadii lala galay Maxjarrada, laguna dhaqmo, kuwaas oo nuxurkoodu ku caddaa khidmadda Maxjarradu qaadaan oo ah $ 5.5 USD, oo kala ah 1.5 USD oo Dawladdu leedahay iyo 4 USD oo Maxjarradu leeyihiin, looguna talo-galay Hawlaha Adeegga Caafimaadka Xoolaha dhoofaya. Dhaqan-galka Wareegtadan waxa u xil-saaran Isku-duwaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, ahna Dhakhtarka Dekedda ee Gobolka Saaxil. Wareegtadu waxay fuleysaa Markay soo baxdo.” Ayaa lagu sheegay Wareegtadan oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)”.  Sidoo kale saddexda maxjar ee ku yaala magaaladda Berbera ayaa wasaaradda xanaanada xoolaha u xareeya lacag dhan 0.3 USD calaa-neef, taas oo ah khidmad aanu Baarlamaanku ansixinin, isla markaana noqonaysa sharci-daro maadaama aan la horgeynin hay’adaha sharci-dajinta.  Dhinaca kale khilaafkan ganacsi ayaanay ilaa hada ka hadlin masuuliyiinta xanaanada xoolaha iyo kuwa saddexdaa maxjarba, kuwaas oo ay warbaahintu la xidhiidhay isla markaana ay noo suurta-gali wayday inaanu khadka telefoonka ku helno si aanu xogo dheeraad ah uga helno.  Source:-Hubaal.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here