Saddex qof ayaa ku geeriyooday todoba iyo toban qofna waa ay ku dhawaacmeen roobab mahiigaan oo galabta ka da’ay Magaalada hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland

0
515

Saddex qof ayaa ku geeriyooday todoba iyo toban qofna waa ay ku dhawaacmeen roobab mahiigaan oo galabta ka da’ay Magaalada hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland

Roobkana oo galabta ka da’ay hargeysa iyo nawaaxigeeda ayaa ahaa mid dabaylo xoogan watay
islmarkaana sababay in geedaha waaweyn , biraha isgaadhsiinta , jiingadaha guryaha iyo xadhkaha
korontadu ay dhulka kusoo dhacaan .
Sida ay xaqijiyeen Maamulka Cisbitaalka guud ee Hargeysa , Waxa cisbitaalka caawa lasoo gaadhsiiyey
saddex qof oo dhimasho iyo tobada iyo toban dhawaac ah oo isugu jira raga iyo dumar ,islmarkaana ay
dhawaacyadoodu kala duwan yihiin .
Dadkan ay dhibaatadu kasoo gaadhay roobkii hargeysa ka da’ay galabta ayaa la sheegay in qaarkood ay
wax yeelo kasoo gaadhay biraha tawarada oo ay isticmaalan sherkadaha isgaadhsiintu halka ay kuwo
kale ku dhigay koronto ama laydh ka dib markii ay dabaylaha roobku soo rideen biyaha sida qaabka
daran uga taagan Magaalada .
Sidoo kale waxa ay dadkan wax yeelo kasoo gaadhay ka dib markii dabaysha roobku guryaha
Magaalada ka qaaday jingadaha saarna .
Halkan Ka Akhri Magacyadda Dadka Ku Dhintay Iyo Kuwa Ku dhawaacmay Roobka dabalaha watay ee ka
da’ay Magaaladda hargeysa Sida Xafiiska War qabad Shabakadda Mahiigaannews ay u sheegeen Bahda
Caafimaadka Cisbitaalka guud ee hargeysa
1: Samiira Jaamac Xasan ( Dhaawac)
2:Samiira Cabdi Muxumed (Dhaawac)
3:Maxamed Yuusuf Aadan (Dhaawac)
4:Maxamed Cabdilaahi Bureed(DHawaac)
5:Jaamac Cabdi Maxamed (Dhaawac)
6:Cabdiraxmaan Xasan Khaliif (Dhawaac)
7:Siraad Cali Cabdi (Dhawaac):
8:Mahad Mawliid Cige( Dhaawac)
9: Mustafe Nuur Axmed (Dhaawac )
10: Xariir Nuur Axmed (Dhawaac)
11: Siraad Cali Cabdi (Dhaawac)
12: Marxuum Faysal Ishaar Cumar (Dhimasho )
13:Marxuumad Haweenay aaan Magaceeda La Shaacin (Dhimasho)
14:Axmed Yuusuf Xasan (Dhaawac)
15:Sidiiq Xuseen Nuur(Dhaawac)
16:Canab Cismaan Cabdi (Dhawaac)
17:Jawaahir Cabdi Muuse (Dhawaac)
18:Kawsar Maxamed Aamiin (Dhawaac)
19: Xaliimo Suudi Aadan (Dhawaac)
20: Marxuum Salaad Geelle (Dhimasho )
Dhinac kale waxa jira dad kale oo dhaawac ah oo la sheegay in la geeyey Cisbitaaladda gaarka loo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here