“Carab Dalab Leh Cadaabtu Geshaa, Caalim Iyo Sheekhe, Faysalow Ama Habalaha Somaliland Cay Ama Cirkaas Qabo, Wallahay Adiga Iyo Kuwa Ka Danbeeyaba Ilaa Aakhiro Ka Hadhimayno”. Jamaal Cali Xuseen

0
1176

Murashaxa Xisbiga UCID, Mud. Jamaal Cali Xuseen ayaa markale dhaar Islaam ku maray in aanu sinaba uga hadhayn  Khiyaamada qaawan ee uu Faysal Cali Waraabe kaga baxay heshiiskii ay wada galeen, sidoo kale wuxuu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen jawaab ka bixiyay  aflagadadii haweenka Somaliland uu u jeediyay Faysal Cali Waraabe, taas oo u ku sheegay inay Habluhu jecelyihiin Jamaal.  Qoraal uu Murashaxa Xisbiga UCID  arrimahaas kaga hadlaayo ayaa u dhignaa sidan.

 

Jamal-Ali-Xusen

“Carab Dalab leh cadaabtu geshaa, Caalim iyo Sheekhe. Marka Hore waxaan xaal gole Joog ah siinayaa Haweenka uu ku gefay Faysal Cali Waraabe. Miyaanu ogeyn inay Haweenku yihiin laf dhabarta dalka Ee isku Haysa reeraha, in hooyooyinka iyo hablaha uu Faysal caayo maanta Waa shay laga xishoodo. Waxaanan leeyahay hablahaygiiyoow xaal qaata;

Kolay maanta xaaladuu ku SUGAN yahay maaha mid Sahlan waxaanay u baahan tahay gurmad. Malaha Faysal Weli ma oga sababtu laba jeer u dhacay inay tahay inuu Soo jiito dadka codeeeya Ee Haweenka iyo Dhalinyarada OO mar walba labadaa kooxood aflagaadeeyo, laakiin ma cid baaba ka baxday ay..

Dacwaddii maantuna waxay ahayd ka badbaadinta Faysal Ee xisbigga UCID iyo hanaanka anshaxa dimuqraadiyadeed iyo ixtiraamka shuruucda xisbiyadda. Maanta waxaa kala cadaan doonta in qof uu af duubi karo Xisbi Qaran, OO uu heshiis yada markay u baneyso ka bixi karo, OO 120,000 OO cod keligii jeebada ku shuban karo, xisbi Kalena u adeegi karo. Hunguri wedkii ma arko, ama bood ama caytamaaya ama cirka Qabo, walaahi ilaa aakhiro kaa Hadhi mayno adiga iyo kuwa dabada kaa wadana. Taageerayaalow samra Ilaahay Waa caadile.”

Jamaal Cali Xuseen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here