Xukuumada Oo Talaabo Adag Ka Soo Saartay Xubnihii Hogaaminaayay Ciyaartooydii Magaca Somaliland Ku Ciyaarayay Iyo Denbiga Ay Galeen
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dhalinyarrada, Ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland, Maxamed Xuseen Axmed, ayaa sheegay in lala xisaabtami doono dadkii sameeyay wax uu ugu yeedhay dambiga ee koox Somaliland ka socotay geeyay Abkhazia oo lagu qabtay tartan ay ka qeyb galeen 12 dal oo ka kala socday dunida aan la aqoonsayn.
Agaasimaha ciyaaraha oo u waramay Warbaahinta waxa uu ku celiyay mawqifkii wasaaradiisu hore uga taagnayd kooxdii ka qeyb gashay tartankii ciyaaraha dunida aan la aqoonsanayn ee lagu qabtay Abkhazia oo uu sheegay inaanay jeclayn in Somaliland ka qeyb gasho tartan wax uu ugu yeedhay meel aanay dawladi ka jirin. “Arrintani waxay ahayd arrin laf-jabah, dadkii dambigaas sameeyayna waa lala xisaabtamayaa,”ayuu ku adkaystay Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye).
Agaasimuhu waxa uu intaas ku daray “Ciyaaraha waa lagaga saaraa dhibaatooyinka bulshooyinka haysta sida qabiilka iyo khilaafaadkoodaba. Waxa adduunyadda lagu suuliyay midabka caddaanka iyo madowga u dhaxeeyay.
Agaasime Maxamed Xuseen oo la weydiiyay baaqa uu u dirayo dadweynaha iyo tijaarta waxa uu yidhi “Dadkeennu waxa xun ayay dhiiri-geliyaan, maanta qaadka ayay isku wada qaadayaan.laakiin lagama yaabo xabada jaraa’id ah ee laba kun la siisto lagama yaabo inay u huraan oo ay iibsadaan, taas ayaa markaa keenaysa inaan garoomadii lacag lagu daawan.”. “Dadka Lacagta gacanta ku haya waxaad moodaa inay yihiin dad aan markii ay yaraayeen magaallooyinka aan ku korin,”ayuu ku canaantay agaasimuhu ganacsatadda.