Guddoomiyaha Xisbiga WADANI Oo Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Kaga Dheereeyay Qadiyadda Ictiraaf Raadinta Somaliland

0
507

Guddoomiyaha Xisbi WADANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa kaga hormaday Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE  qadiyadda Ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Guddoomiye Cirro ayaa galabixiyay bilihii u danbeeyay safaro is daba joog aha,  ku waas oo uu beesha Caalamka kaga dhaa dhicinaayo Qadiyadda dhabta ah ee Somaliland iyo inay xaq u leeyihiin dal ahaan iyo shacbi ahaanba inay ka mid noqdaan bulshada Caalamka.

Talaabadii ugu danbaysay ee Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro u qaado dhinaca aqoonsi raadinta Somaliland ayaa ah mida uu hadda ku joogo waddanka Sweden oo kamid ah waddamada sida weyn looga ixtiraamo Midawga Yurub iyo Caalamkaba, ahna waddan qunyar socod ay tahay siyaasaddiisu.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mud. Cirro wuxuu dalka Sweden ka helay casuumad rasmi ah, isagoo ka qayb gali doona dood weyn oo Baarlamaanka dalka Sweden kaga doodaayo qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaqa ay u leedahay in aqoonsi buuxa la siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here