Xukuumadda Somaliland, ayaa la sheegay in wada hadal toos ah la furtay ciidan xoogan oo ka soo goostay maamulka Puntland, kaas oo tiradiisa lagu qiyaasay 170 askari ama (boqol iyo todobaatan askari) oo wata 7 gaadhi oo tikniko ah iyo hub culus oo ay ciidanka wataan.Ciidanka oo in badan ka mid ahaa maamulka Puntland ayaa horaantii bishan soo gaadhay deegaanka Buraan ee Bariga Sanaag , halkaas oo ay fadhiisin ka samayteen, waxaana hogaaminaya ciidanka nin lagu magacaabo Generaal Muuse oo ka soo jeeda dhalasho ahaan bariga sanaag ama gobolka Badhan.
Xukuumadda Somaliland, ayaa la sheegay in ay wada hadal la furtay janankla wata ciidankaasi wararka Laga Helaayo deegaankaasi ay sheegaya in uu maamulka Puntland u caddeeyey in aanu dib ugu laaban doonin oo uu u socdo dhinac Somaliland, iyada oo aanay jirin illaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay halka ay marayaan wada hadalladaasi iyo in Somaliland si toos ah ay wax iskula af garteen.
Masuuliyiinta deegaanka Buraan ee Bariga Sanaag, ayaa shebekedda somalilandrise u sheegay in ay ciidankaasi weli ku sugan yihiin meel u dhow magaaladda buraan oo biyi ah, halkaas oo ay fadhiisin ka samaysteen, balse uu taliyaha ciidankaasi hogaaminayaa soo gaadhay magaaladda ceerigaabo, isaga oo dhowaan wasiiro ka soo jeeda Puntland oo ergo ugu yimid u caddeeyey in aanu ciidankiisu dib ugu laaban doonin maamulkaasi oo uu cabasho ka muujiyey.
Dawladda Somaliland, ayaa muddooyinkii u dambeeyey isha ku haysa in ay ciidankaasi ka faa’iidaysto, isla markaana ay ku dedaalaysay sidii ay u soo xero gelin lahayd ciidankaas ka soo goostay maamulkaasi oo uu uga mid noqon lahaa ciidanka qaranka Somaliland, taas oo ay wararka aanu ka helano sheegayaan in ay jiraan xidhiidh dhex maray jananka ciidankaas wata iyo masuuliyiin Somaliland ka tirsan.