Deg Deg: Ciidmada Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Nin Aan Haybtiisa La Garnayn Oo La Dilay Iyo Baadhista Oo Socota
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa waxaa ay badhitaan Ay wadaan Ku Heleen meydka qof aan la garneen oo laga helay magaalada Hargeysa .
Meydkan ayaa waxaa la helay shalay waabarigii lamana garanaayo cid dilkan geysatey waxaana meydka marxuumka laga helay meel u dhaw demada 26 Junne .
Meydkan oo Dadweynaha Xaafaddu arkeen ayaa Dadkii arkay la xidhiidheen Ciidanka Ammaanka, kuwaasi oo Abaarro 7-dii Subaxnimo halkaa ka qaaday.
Ninkan oo Dilkiisa loo adeegsaday Toorey Dhararkeedu ku dhow yahay Dhararka Gacanta, ayaa Dadkii arkay Warbaahinta u sheegeen in Booliisku u yimid isagoo Tooreydu kaga taagan tahay mid ka mid ah Kalyaha, taasoo argagax ku abuurtay Dadkii arkay Meydka Marxuumka.
Ninkan oo Cidda dishay uu Booliisku baadhayo, ayaa la rumaysan yahay in la dilay wixii ka horeeyay Salaaddii Subax ee Khamiista.