Home Warar Al-Shabaab Oo Gowracday Ninkii Ka Dambeeyay Duqeyntii Lagu Dilay Hoggaamiyahoodii Hore Ee...
Al-Shabaab ayaa maanta deegaan ka tirsan Gobolka Baay ku dilay afar ruux oo ay sheegeen inay la shaqeynayeen Sirdoonada CIA-da ee Mareykanka iyo Kenya.
War qoraal ah oo ay soo dhigtay Al-Shabaab baraha Internet-ka ee taageera ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah afarta ruux ee fagaaraha lagu dilay uu ahaa ninkii ka dambeeyay weerarkii sanadkii 2014 lagu dilay Hogaamiyahoodii Hore Axmed Cabdi Godane Abuu Zubeyr.
Afarta ruux ee Al-Shabaab ku eedeeyeen inay basaasiin ahaayeen ayaa lagu kala magacaabayay Maxamed Aadan Nuur Xasan oo 26 jir ah, Muxiyadiin Hiraab Axmed oo 27 jir, Xuseen Nuunow Nagaaye oo 36 jir ah iyo Xasan Diiriye Cusmaan oo 42 jir ah.
Qaadiga Maxkamada Al-Shabaab ayaa sheegay in Maxamed Aadan Nuur Xasan uu ahaa ninkii hagayay weerarkii lagu dilay Hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab, isla markaana uu fududeeyay weerarkaas.
Ninkan ayaa la sheegay inuu degmada Baraawe ku arkay mid ka mid ah labo nin oo ka mid ahaa ilaalada gaarka ahaa ee Abuu Zubeyr, waxaana taleefanka uu sitay uu sheegay inuu u gudbiyay Sirdoonka Mareykanka, iyadoo 10 maalmood kadib ay dhacday duqeyntii lagu khaarijiyay.
Qaadiga Maxkamadda ayaa sheegay in Maxamed Aadan Nuur Xasan uu la shaqeynayay Sirdoonka CIA-da, isla markaana howl galkii lagu dilay Abuu Zubeyr uu ku qaatay lacag dhan 10-kun oo dollar, halka xubnaha kale ee madaxda amniga Al-Shabaab ahaa uu ku qaatay 8 kun oo dollar.
Waxaa uu sheegay Qaadiga inuu ninkan qirtay shirqooladii lagu dilay C/shakuur iyo Yuusuf Dheeg oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta sare ee dhanka Amniga.
Ninkan ayaa fagaaraha Muxiyadiin Hiraab Axmed iyo Xasan Diiriye Cusmaan ayaa lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen Sirdoonka Kenya, halka ninka kale oo lagu magacaabo Xuseen Nuunow la sheegay inuu u basaasayay Sirdoonka Soomaaliya qeybta ku xiran CIA-da, sida Qaadiga Maxkamadda uu sheegay.
Afarta nin ayaa saddex ka mid ah lagu dilay rasaas, halka ninka kale ee la sheegay inuu ka dambeeyay duqeyntii Hogaamiyihii Al-Shabaab la gowracay.
Afartan ruux ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, isla markaana shirqoolo ka dhan ah ay gudaha Al-Shabaab ka dhex wadeen.
Ma ahan markii u horeysay ee Al-Shabaab dil ku fuliyaan xubno ay ku eedeeyaan inay u basaasaan sirdoonada reer galbeedka iyo kan dowladda Soomaaliya, iyadoo horay dilal ugu fuliyay xubno saraakiil ahaa oo ka tirsanaa.
Like this:
Like Loading...
Related