Maxamed Cali Kalaay Oo Maanta Lagu Aasay Magaaladii Uu Ku Dhashay Ee Louisville Iyo Janaasadiisii Oo Ay Ka Soo Qeyb Galeen Kumanaan Dad Ah.

0
452

Magaalada Louisville ee gobalka Kentucky dalka Maraykanka ayey ka dhacdan munaasabad xus ah oo loo qabtay Halyeygii Mohamed Ali, waxaana lagu tukaday salaada Janaasada isu soo bax ka dhacay goobtii ugu horeysay oo uu ka bilaabay ciyaarihiisii Feerka ee magaalada uu ku dhashay.

Janaasada-MohamedAli2

Xuskan ayaa ahaa mid loogu talo galay in dhamaan dadka ay kasoo qeyb galaan, kahor intaan Aaska uu dhicin maanta oo Jimche ah ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa in badan oo kamid ah Muslimiinta iyo dadka kale ee Maraykanka oo doonayey inay ka qeyb galaan xuska Halyeygaasi caanka ahaa.

Aaska ayaa maanta oo Jimce ah ka dhici doona qabuuro ku yaal magaalada Louisville, waxaana lagu wadaa inay ka qeyb galaan Hogaamiyayaal caalamka ka kala yimid oo uu kamid yahay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan oo la filayo in aaska uu kalmado kasoo jeediyo iyo dhamaan qoyska Mohamed Ali.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa xalay isaguna si gaar ah warbaahinta uga siidaayey hadalo uu ugu talo galay xuska iyo Tacsida Mohamed Ali oo uu ku tilmaamay halyey si weyn u saameeyey noloshiisa iyo nolosha shacabka Maraykanka gaar ahaan dadka Madowga iyo Muslimiinta Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here