Falal Aan Hore Uga Dhicijirin Caasimadda Somaliland Ee Hargaysa Oo Hadda Ku Soo Kordhay Iyo Wer Werka La Soo Dersay Shacabka.

0
463

Magaalada Hargaysa oo kamid ahayd Magaalooyinka ugu ammaanka badan caalamka, ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa ku soo badanaayay falal ammaan xuno oo aan hore loogu arki jirin, flkii ugu danbeeyay ayaa aha nin Subaxnimaxii shalay lagu arkay magaalada dhexdeeda isagoo Mayd ah, kaas oo loo dilay si naxdin leh.

image

Lama oga Cidda Dilkan geysatay, laakiin Meydka Marxuumkan ayaa  Shalay laga helay Agagaarka Silimoogii hore ee Hargeysa ee Degmada 26-ka June. Meydkan oo Dadweynaha Xaafaddu arkeen isagoo yaalla labada Sakadood dhexdooda, ayaa Dadkii arkay la xidhiidheen Ciidanka Ammaanka, kuwaasi oo Abaarro 7-dii Subaxnimo halkaa ka qaaday.

Ninkan oo Dilkiisa loo adeegsaday Toorey Dhararkeedu ku dhow yahay Dhararka Gacanta, ayaa Dadkii arkay Warbaahinta u sheegeen in Booliisku u yimid isagoo Tooreydu kaga taagan tahay mid ka mid ah Kalyaha, taasoo argagax ku abuurtay Dadkii arkay Meydka Marxuumka.

Ninkan oo Cidda dishay uu Booliisku baadhayo, ayaa la rumaysan yahay in la dilay wixii ka horeeyay Salaaddii Subax ee Khamiistii Shalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here