Suldaanka Guud Ee Beelaha Habar Yoonis Oo Ka Hadlay Dagaalka Ka Dhacay Jaamac Dubad Xaqiijiyayna Tirada Dadka Ku Dhimatay

0
453
Suldaanka Guud Ee Beelaha Habar Yoonis Oo Ka Hadlay Dagaalka Ka Dhacay Jaamac Dubad Xaqiijiyayna Tirada Dadka Ku Dhimatay

Suldaanka Guud ee Beesha Habar Yoonis Suldaan Maxamed Xirsi Qani ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Lagu Laayay Dadkii Rayidka Ahaa Ee Deganaa Deegaanka Jamac Dubad Ee Degmada Gaashaamo Ee Gobolka Dhagax Buur

Suldaanka oo arimahan ka hadlaya ayaa waxaa uu yidhi

” Horta Anigu Goobta Maan Joogin Laakin Siday Wax U dhaceen Waxa Weeyaan Markii hore ciidanka waa lagu khaldamay markii danbana ciidanku magaaluu yimi Jaamac Dubad layidhaa oo gaashaamo ka xigta koonfur dadkii joogay rag iyo dumar waa la ururiyay intoodii badnayd waana la laayay rag iyo dumar iyo caruur wixii halkaa joogay iyadoo lagu leeyay waxaad isku reer tihiin dadkii ciidanka laayay” ayuu yidhi

Sidoo kale Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo ka hadlaya sida ay dhacdadu ku bilaabmatey ayaa waxaa uu yidhi

“walaahi dhacdadu waxay ku bilaabantay laba gaadhi oo isku dhacay oo la yidhi waa la soo jiidayaa meel walba waa joogan dad caqli xumiye qaar baa is idhi gaadhiga yaan laydin kala hadhin waa bilaa lanbare wixii alle ka qorayna way kadhaceen” ayuu yidhi

Gabo Gabadii suldaanka waxaa uu ka hadley ilaa inta ay dhimashada dadka la laayey ay mareyso

” ilaa hada 24 qof ayaa sugan in la dilay caruur kolay hada todoba haweena waan hubnaa caruurna waa kujiraa” ayuu hadalkiisii ku soo gabo gabeeyey suldaan Maxamed Xirsi Qarani suldaanka guud ee beesha Habar Yoonis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here