Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taaxabtay xubno dhallinyaro ah oo dhaliilay heshiiska dekedda Berbera.

0
509

Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taaxabtay xubno dhallinyaro ah oo dhaliilay heshiiska dekedda Berbera.

Waxana la sheegay in ay ciidamada boolisku agagaarka hotel dalxiis ka qabteen dhalinyaro rabay inay shir jaraa’id ku qabtaan oo ay kaga soo horjeedaan wareejinta iyo heshiiska dekeda berbera ayna ku canbaareynayaan xadhiga ay xukumaddu habeen hore kula kacday laba kamida dhalinyaradaasi o xabsiga lo taxaabay.

Dhalinyaradan ay ciidamada boolisku xabsiga u taxaabeen ayaa kala ahaa Maxamed Sidiiq Dhamme oo ahaa afhayeenkii garabka dhalinyarada xisbiga WADANI Iyo Maxamuud Axmed (Fiigo ) oo isna kamid aha dhalinyaradaasi kasoo horjeestay wareejinta dekeda berbera.

Waxaana iyaduna xusid mudan in ciidamada boolisku ay habeen hore qabteen xabsigana u taxaabeen Nuuradin Ilkacase iyo Sheekh Maxamed Ducaale oo kamid dhalinyaradi si wayn uga soo horjeestay heshiiska dekeda berbera.

Waxana ay wararku intaa ku darayaan in ciidamadu ay wali ku daba jiraan dhalinyaradii sida wada jirka ah uga soo horjeestay wareejinta iyo heshiiskii ay wada galeen xukumadda iyo shirkada DP World ee wareejint dekeda berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here