“Dawladda Itoobiya Jaar Baynu Ahayn Oo Caawimo Ayaynu Ku Lahayne Xasuuq Iskumaynaan Ogayn Ee Dadkaas Ha Loo Gurmado” Xaaji Cabdi Waraabe

0
480

Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah golaha guurtida Somaliland, isla markaana ah shakhsiga ugu da’da wayn leh dalka ayaa dawladda Itoobiya ugu baaqay inay wax ka qabato xasuuqii ka dhacay Tuulada Jaamac Dubbad ee degmada Gaashaamo oo 220 Km u jirta gobolka Togdheer ee Somaliland.

 

IMG_B8198D-1D52A5-DBB9C5-95C2B4-1DA4AC-EBD130 (1)

Xaaji Cabdikariin oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa dawladaha somaliland iyo Itoobiya ugu baaqay inay si dhakhso ah arrinkaas uga wada hadlaan, ugana shaqeeyaan sidii uu dgaalku u joogsan lahaa. Xaaji Cabdi Warabe ayaa ugu horayn hadalkiisa waxa uu ku bilaabay:

“qolada Gaashaamood dee waxa la yidhi waxaa laayay Liyuu bilayskii Itoobiya, dawladda Somaliland Itoobiya aad ha ula hadasho haloo gurmado labada dawladood hawada hadlaan waayo ciidanku amarka waxay ka qaataan dawladda Itoobiya”

Xaajiga ayaa sidoo kale sheegay inaan eeda iyo masuuliyadda xasuuqan dawladda Itoobiya loo xambaarin karin balse ay askartu ficilkan foosha xun ku kacday, waxaana uu dawladda Itoobiya ka codsaday inay arrinkaas wax ka qabato, waxaana uu yidhi:

” dawladda Itoobiyana jaar baynu ahayn oo heshiis ayaynu ahayn, caawimo ayaynu ku lahayn (in maatida la laayo) iskumaynaan ogayn aski ayuu khasaarahaasi ka dhacay wax dawlad ahaan u dhacay u malayn maayo, labada xukuumadood haka wadahadleen wax dambe inaanay dhicin. Dad badan oo carruur leh oo odayaal leh aya la laayay mashaqo ayaa ka dhacday meesha waa Ramadaane ilaahay ha inaga qabaoojiyo sidaas labada dhanba haloogu gurmado”

Ugu dambayn Xaaji Cabdi Waraabe ayaa odayaasha labada beelood ugu baaqay inay fadhiga ka kacaan oo ay arrinta qaboojiyaan waxaana uu guud ahaan dadka uga digay colaad la huriyo iyo gurmad dhiilaysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here