Home Muuqaalo Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabtay Af-hayeenka Ururka Dhallinyaradda Ee Muwaafaqo.
Xukuumadda Somaliland ayaa xalay xabsiga u taxaabtay afhayeenka ururka dhallinyaradda ee Muwaafaqo Aqoonyahan Nuuradiin Ibrahim Aw Cabdi (Diini) oo ay xalay ciidamada boolisku ka qabteen maqaaxi uu ka shaah ka cabayay oo ku taalla agagaarka Masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha Magaalada Hargeysa.
Xadhiga afhayeen Nuuradiin Ibraahim Aw Cabdi ayaa loo aanaynayaa dood lagaga hadlayay heshiiska maalgashiga dekedda berbera ee u dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta oo uu maalmo ka hor kaga qayb galay Huteel Kaah ee Magaalada hargeysa isaga oo si adag uga soo horjeestay heshiiskaasi.
Like this:
Like Loading...
Related