“Markii Xukuumaddu Heshiiska La Gashay Shirkadda DP World Waxa Ila Soo Hadashay Jabuuti Oo Ii Sheegtay Inay Ka Xun Yihiin…” Faysal Cali Waraabe.

0
587

Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe  ayaa ka shifay siro la xidhiidha heshiiskii Dekeda berbera saamaynta uu ku yeeshay Xidhiidhkii Somaliland iyo Jabuuti isagoo sheegay in markii xukuumada Somaliland heshiiska la gashay shirkada Dubai ports World ay isaga la soo xidhiidhay dawlada Jabuuti  una sheegtay sida ay uga xun tahay in heshiiska Somaliland iyo immaradka ay ku dhex aragto Ganacsade Cabdiraxmaan Boore  oo mucaarid wayn ku ah Xukuumada Jabuuti gaar ahaana Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele ,

F-Waraabe

isagoo sidoo kalana Guddomiyuhu si wayn u soo dhaweeyay heshiiskaasi waxaanu yidhi”Markii Xukuumadu Heshiis la gashay shirkada Dubai Ports World waxa ila soo xidhiidhay jabuuti oo sheegtay inay aad uga xun yihiin inay waftiga Somaliland ku dhex arkan ganacsade Boore ..waxaanan idiin sheegayaa waxba horta laygama qadhiidhin lacagta yar ee xaqul qalinka ah ,wasiirka Madaxtooyaduna markii hore wuu iga qariyayba  lacagta yar ee xaqul qalinka ah waxaanan ku idhi miyaad qaybsanaysaan”ayuu ydhi Faysal Cali Waraabe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here