“Lacagta Xuqul Qalinka Heshiiska Dekeddu Waxa Uu Ku Dhacayaa Qasnadda Dawladda” Wasiirka Maaliyadda.

0
466

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Marwo  Samsam Cabdi Aadan,  ayaa sheegtay in lacagtii xaqul qalinka ahayd ee  lagu kasbaday heshiiskii xukuumaddu la gashay 9-kii Bishii May shirkadda DP World ee casriyaynta marsadda Berbera ay ku dhacayso qasnadda dawladda.  Wasiirka Maaliyadda oo shalay ay warbaahintu  wax ka waydiisay munaasibad ay lacag  ku  wareejinaysay  xildhibaan C/rakiim  Aw Cali Shabeel, Lacagtaasi oo ay dadka abaartu ku dhacday ee woqooyiga Hargaysa ay u soo direen  haween  ka soo jeedda degaankaasi oo degan dalka Norway oo Wasiirka ku soo hagaajiyay.

WASIIRKA-MAALIYADDA1-310x171

“Lacagta dekedda Berbera lagu balaadhinayaa   Xaqul-qalin May ahayn oo la isma siinayo  lacagtaasi iyadoo jeeg  ah  ayaa la dhiibayaa, miisaaniyadda   dawladd ayay ku dhacaysaa.   5 milyan  waxaa  lagu bixinayaa Taagga maraakiibta lagu soo jiido  oo  loo iibinayo  Dekedda Berbera,dekadduna way u baahan tahay illaa laba Taag,”ayay tidhi Marwo Samsam Cabdi Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here