170 Askari Oo Ku Hubaysan 7 Tikniko Ah, Oo Ka Soo Goostay Puntland Soona Gaadhay Gobolka Sanaag Ee Somaliland

0
674

Ciidamo si weyn u hubaysan oo wata kolonyo gaadiid ah ayaa Isniintii baneeyey xero ay ka degenaayeen Magaalada Garoowe iyagoo gaaray tuulada Bali Busle oo qiyaastii 30 KM u jirta Degmada Buraan ee Gobolka Sanaag, Sida loo xaqiijiyey Faaqidaad.

thumb

Tiro ahaan waxay ka kooban yihiin 170 Askari. 7 gaari oo nooca dagaalka ah (Tikniko), Gaari Xanbaarsan qori lidka diyaaradaha ah iyo 2 gaari oo nooca xamuulka ah ayey ku hubaysan yihiin.

Ciidankan ayaa horay saldhigoodu u ahaa Degmada Buraan, Laakiin waxaa loo daad gureeyey Gaalkacayo si ay uga qayb qaataan dagaalkii halkaas ku dhex maray Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale waxay qayb ka ahaayeen hawl galkii danab ee lagaga saaray Deegaanka Garacad maleeshiyaadkii weerarka ku qabsaday ee ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab.

marka uu ka soo laabto s

Ciidamo xoogan ayaa Puntland ka gadooday
Wasiiro ku baxay.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ku sugan Muqdisho ayaa si weyn uga  carooday markii la gaarsiiyey in Ciidamadii Gobolka Sanaag gadood ahaan kaga baxeen Garoowe, Isagoo markiiba soo canaantay Wasiirada Dowlada kaga jira beeshaas kuna soo amray inay ka daba baxaan xal deg deg ahna ka keenaan, Sida loo sheegay Faaqidaad.
Dhamaan Wasiiradii Xukuumada Puntland kaga jiray beesha Warsangeli ayaa caawa ku hoyday Degmada Buraan, Kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdijamaal Cismaan Maxamed iyo Wasiirka Waxbarashada Abshir Yuusuf Ciise.

Wada hadalo socda.

Wasiirada ayaa galabta wadahadal la furay saraakiishii Ciidanka hogaaminayey, Laakiin wararka warsidaha Faaqidaad ka helayo halkaas ayaa sheegaya in kulankaas la isku mari waayey.

Madaxweynaha Puntland oo markii danbe kulanka kaga soo qayb galay Taleefan ayaa ka codsaday saraakiisha inay ku soo laabtaan Garoowe, Isla markaana wixii tabasho ah uu xalkeeda geli doono marka uu ka soo laabto safarka Muqdisho waloow dalabkaas aan dheg jalaq loo siin.
Gudoomiyaha Baarlamaaka Axmed Cali Xaashi ayaa beri xoojin ahaan ugu biiri doona wadahalada,  Magaalada ayaa laga dareemayaa diyaar garoow loogu jiro sidii loo soo dhoweyn lahaa.

Tabashada Ciidamada.

Mushahar la’aan, Gaadiidka oo aan dayac tir helin, Daryeel xumo iyo Balan qaadyo aan fulin ayaa ka mid ah sababaha ku dhaliyey Ciidamadu inay soo gadoodaan, Sida uu noo sheegay mid ka mid ah saraakiisha wata oo goor dhoweyd khadka taleefanka aanu kula xiriirnay.

Sarkaalku wuxuu leeyahay Ciidamada Puntland maaha kuwo si isku mid ah loola dhaqmo,  Isagoo tilmaamay inay jiraan kuwo si gaar ah loo naas nuujiyo oo hela xuquuq ka baaxad weyn tan ay ku xisaabtamaan laamaha caadiga ah  ee Amaanku.

Wuxuu meesha ka riixay suurtagalnimada heshiis ay la gaaraan Wasiirada wada xaajoodka kula jira, Isagoo niyad jab baahsan ka muujiyey hanaanka maamul ee Garoowe.

Falanqayn.

Beesha Warsangeli waxay si weyn u  dhaliilsantahay hanaanka awood qaybsi ee Puntland, Iyagoo aaminsan in si joogta ah loogu tunto axdigii horay loo dhigtay, Awoodii maamulkuna ay noqotay mid hal dhinac u jan jeerta, Gadoodka Ciidamadani wuxuu sii xoojinayaa walaacii beeshu horay u qabtay.

Xigasho:- Faaqidaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here