Kulan balaadhan oo ku tirsan ka dhaadhicinta muwaadiniinta heshiiska dhaxmaray Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada maanta oo ay taariikhdu tahay 29.05.2016.
Kulankan waxa uu isu keenay markii ugu horaysay haldoorka ganacsatada dalka oo ilaa dhawr iyo labaatan ahayd iyo xubnaha guddiga wasiirada ee qaybta ka ahaa heshiiskii dhexmaray labada dhinac ee imaaraadka iyo Somaliland.
Ugu horeyn waxa halkaasi ereyo uu ku caddeynayo ujeedada kulanka ka soo jeediyey wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, waxanu ku bilaabay, soo dhawayn ka dib, “waxan idiinku yeedhnay inaan faahfaahin idinka siinno, haddii aad tihiin ganacsatadii dalka, heshiiska inna dhexmaray Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxanan is nidhi intii ay hadallo lagayaabo inaanay sax ahayn ay ka maqli lahaayeen meelahaasi, xogta heshiiskaasi ha ka helaan afka odayaasha (Min afwaahil mashaa’iikh).
Intaa ka dib, waxa uu hadalkii ku wareejiyey wasiirka khaarijiga, Mudane Dr Sacad Cali Shire, oo isaguna si nuxur leh uga hadlay heshiiskaasi.
Waxa uu ka sheekeeyey taariikhda dekeda Berbera, iyo sida Ruushka iyo Maraykanku ugu kala dambeeyeen dhismeheeda muddo laga joogo dhawr iyo afartan sano, iyo dhawr iyo soddan sano, iyagoo lahaa labaduba ujeeddo milateri.
Wasiir sacad oo ah ninka saxeexay heshiiska, isagoo ka mid ahaa wefdigii madaxweynaha ee heshiiska magac dawladda iyo ka ummadda ku soo galay, ayaa tibaaxay, in heshiiskan hadda hordhac ahaan loo sexeexay, imikana in si rasmiya, isagoo faah-faahsan loo saxeexo ay gacanta ku hayaan garyaqaanno caalami ah oo ay dirsatay Somaliland.
Isagoo arrintaasi ka hadlaya, waxa ka mid ahaa weedhihiisi”waxan garyaqaanada u diranay in la qoro heshiis aan marnaba laynagaga gacan sarreyn, laynagu degin odhaahyada ku qoran, oo ku salaysan shuruc caalamku isla yaqaanno, oo hadhow haddii khilaaf yimaaddana lagu saleeyo shuruucda. Maxaa lagu heshiiyey IWM. Waana gartaqaano caalamiya”.
Wasiirka khaarajigu , wuxu xisaab ahaan u sharxay inaan shirkadda DP World ee reer Dubai aanay innaga badsanayn faa’iidada laga helayo shaqada dekedda ee lagu heshiiyey. Waxanu midh- midh u tiriyey faaiidooyinka dal ahaan iyo dad ahaanba ugu jira Somaliland heshiiskaasi.
Hadal taabtay ganacsatada kulanka ka qaybgashay oo wasiirka khaarajigu yidhi ayaa ahaa. “Waxan kala hadalnay DP World dhismaha jidka isku xidha Berbera iyo Togwajaale, waxanay reer Imaaraad noo sheegeen inay fahansan yihiin in ceelka laga cabbo ee loo arooraa haddii aanu lahayn jid loo maro ay dhibtahay in biyo la cabbo la helo, annagoo taasi garawsanna waxa naga go’an meel aan ka keennaba in aan hantida lagu maalgeliyo jidkaasi aan keenno”.