Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay qabsan doonaan gacan ku heynta magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool. cali-khaliif Cali Khaliif ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamo xoog leh, isagoo xusay inay haystaan fursad aanay hayn jirin. “Waxaa ku rajo weynahay in Laascaanood aan maalmaha soo socda soo ceshano, Baarlamaanka kalfadhigiisa ku qabsano bisha October haddii alle yidhaahdo, hadal aan iska idhi ma aha, dhulka ma xoroobayo hadii aan la uruurin ciidankii loo baahnaa”ayuu yidhi Cali Khaliif Waxaa uu sheegay in Laascaanood ay tahay Caasimada Sool, Sanaag iyo Cayn, isagoo ku baaqay in laga qeyb qaato sidii dhulka ka maqan gacanta maamulkiisa loogu soo celin lahaa “Laascaanood dadka xoreystay ayaa maamulan doona, waxaanu leenahay dadka kale waa inaad ka qeyb qaadataan, hadhow yaanay marti ka noqon, waa go’aan hada inoo yaalla, waxaa jira fursad aan markii hore heysan, guushu waa dhow-dahay”ayuu yidhi Madaxweynaha Khaatumo State. Dawlada Somaliland ayaa gacanta ku haya magaalada Laascaanood, halkaasoo sanadkii 2007-dii ay kala wareegeen Maamulka Puntland, iyadoo labada dhinac uu wali u dhaxeeyo muran la xidhiidha deegaanada Sool iyo Sanaag, kaasoo labada dhinac ay kala sheeganayaan lahaanshihiisa. Kooxda khaatumo ayaan wakhtigan u muuqan koox awoodleh,iyadoo ciidamada qaranka Somaliland inta badan ka qabsadeen .