Xamarje oo Muuse Biixi Weeraray, Reer Sallaxlayna ugu Baaqay inaanay Codka Abtinnimo ku siinnin.

0
476

Guddoomiyihii hore ee gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje) oo wakhtigan ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa dadweynaha reer Sallaxlay ugu baaqay inaanay Musharraxa jagada Madaxweynaha KULMIYE u taagan Muuse Biixi Cabdi ugu codaynin marka doorashad ala gaadho 2017-ka Abtinnimo.  image AXMED CUMAR XAAJI CABDILLAAHI (XAMARJE) waxa uu sheegay in Muuse Biixi wakhtigiisii soo dhammaystay, isla markaana aanu wakhtigan ahayn wakhtigii hangalka hubaysan, balse ay tahay wakhtigii halganka Siyaasadda iyo Diblamaasiyadda Aqoonsi keenista Somaliland la geli lahaa, Muuse-na aaanu ahayn kii masuuliyaddaa gudan kari lahaa, sida uu hadalka u dhigay Xamarje. Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje) oo ka mid ah Wefti uu hoggaaminayo oo booqasho ku tegay degmada Sallaxlay ee gobolka Maroodi-jeex, waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu halkaas ka jeediyey, waxaanannu Khudbadda uu halkaas ka jeediyey oo dhamaystiran Hoos Ka DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here