Ururka Kubada Cagta Somaliland Ee UK Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saaray

0
594


Ururka Kubada Cagta Somaliland Ee UK Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saaray 

Somaliland Football Association UK

Ujeedo; –Mahadnaq iyo wargalin bulshada Somaliland

 

Somaliland Football Association UKwaxay bulshada somalilad meel kasta oo ay joogaan ugu mahad naqeyaan tageerada buuxda ee ay muujiyeenkooxdan doorkan xambaarsan magaca jamhuuriyadd Somaliland.Kooxda kubada cagta ee ka qayb galeysa CONIFA World Cup oo ah koox huwan calanka iyo magaca jamhuuriyadda Somaliland.kooxdan oo ah dhalinyaro iskood isku maamuley iskuna abbaabuley.

 

 

Bishan may 29keeda illaa bisha juun 6deeda waxay muujin doonnaan jiritaanka dalka Somaliland,iyagoo Halkaas ciyaari ku dhex mari doonto 11dal oo raadinnaaya aqoonsi sida Somaliland. Kullankan cupkaConifa2016 oo ka dhacaya dalka Abkhazia.

 

Ururka SomalilandFootball AssociationUKwuxuu bulshada la socodsiinayaa in madaxda qaranka Somaliland ee kala duwan ay ku wargaliyeen in kooxdani ciyaarahaa ay ka qayb galayaan kuna martiqaadeen, hase ahaatee wax masuula oo haleeley in uu ku waheliyo marka laga reebo maayarka magaalada Hargeysa oo noo cudurdaartey soona wakiishey xildhibaanka ismaaciil Jaamac hersi caga yare iyo XasanWaraabacadeoohore u ahaa gudoomiyaha olmbigaSomaliland,haddana ah la taliyaha garoomada gollaha deegaanka caasimada Hargeysa iyadoo ay masuuliyiintaa la socdaan afar ciyaartooy laga soo xuley dalka.

 

Somaliland Football Association UKwaxay mahad gaara u celineysaa maayarka caasimada HargeysaCabdiraxmaanMaxamuud Caydiid “Soltecooo gacan weyn ka geystey soo ambobixintaa xubnahaa aan kor ku xusney oo subaxa jimcaha soo gali doona dalka Abkhazia.

 

Sidoo kale waxaa kooxda la soo xidhiidhey gudoomiyaha xisbiga Kulmiye muuse biixi Cabdi iasagoo kooxda u hambalyeeynaaya kaalinta ay gaadhsiiyeen magaca Somaliland.Hadaba SFA UK wuxuu bulshada wargalinaayaa dhalinyarada magaca Somaliland ku ciyaareysa ay buuxiyeen wixii wasaarada ciyaarahu kari weydey 25kii sano ee ay wasaaradaasi jirtey.

 

Hadaba kooxdan SomalilandFootball Assoictionaaney marnaba sheegan in ay si gaara u matasho qaranka Somaliland,hase ahaatee waa koox u taagan iney buuxiso kaalmaha bannaan sida tan oo kale iyagoo xirfada ay lee yihiin ee kubada kor ugu qaadaaya magaca Somaliland ilaa iyo intey soo jireen oo ah dhowr iyo toban sanoin ka badan.

Koxdan waxay mutetsteen in si mug iyo laxaadba leh loo taageero.

 

Alla mahadleh

Ahmed-Kayse Hassan Mohamed

Afhayeenka Somaliland Football Association UK

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here