Maxamed Xirsi Guulleed oo sheegtay inuu u taagan yahay musharaxnimadda madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa soo dhaweeyay heshiiskii xukuumaddu la gashay shirkada DP World ee balaadhinta marsadda Berbera. DSC08972 Maxamed Xirsi Guuleed oo shalay la soo xidhiidhay wargeyska DAWAN, ayaa waxa uu xusay in ay tahay tallaabo xaga horumarka loo qaaday maal-gelinta dekedda Berbera lagu samaynayo, waxaanu xusay in xukuumaddu ka soo dhallaashay mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee loo doortay oo ah inay dalka u raadiso maal-gashi caalami ah oo lagu horumariyo kaabeyaasha dhaqaalaha jamhuuriyadda Somaliland. “Maal-gelinta lagu samaynayo Berbera waxa ay ka mid tahay wax-qabadka dawladda haddii aynu nahay shacbiga reer Somaliland waxa aynu igmanay oo dalka ka masuula xukuumadda oo wixii ay u aragto in ay ku jirto nolosha shacbiga iyo dalka horumarkiisa intaba iyadaa wakiil uga ah, fulinteeda iyo ka talinteeda anigu ka musharax ahaan aad ayaan u soo dhawaynayaa heshiiskaa xukuumaddu la gashay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta,”ayuu yidhi Mr. Maxamed Xirsi isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waa tallaabo loo qaaday xaga horumarka, dhismaha dalka iyo shaqo abuurista, aad ayaan ugu hambalyaynayaa xukuumadda iyo ciddii kale ee ka qeyb qaadatayba waana in xukuumadu heshiiskan mariso golaha Wakiilada si sharci uu u noqdo. “Waa maalin qaran 18-ka May, waana dastuuri wax shakhsi ka hadli karana maaha waana in layska ilaaliyo erayada weyda ah ama siyaasadaha fadhiidka ah. aragti shakhsi maalin qaran oo dastuuriya waxba kama bedali karto. waxbana kuma soo kordhin karto, laakiin waxa fiican in aan la saqiirin ee laga koro oo maskaxda iyo aragtida dadka la koriyo mana aha in dastuurka dalka u yaalka lagu tunto,”ayuu yidhi Mr. Guulleed oo muddo sannad ku dhow warbaahinta ka sheeganayay inuu yahay murrashax madaxweyne ee xisbiga WADDANI dhexdiisa. “Qabyaaladu waa cudur qofka bini’aadamka ahna waxba uma kordhiso meelna geyn mayso,”ayuu ku dardaarmay, waxaanu doodiisa ku caddeeyay “Shacbiga reer Somaliland waxaan uga digayaa in aanay qabyaalad meel ku gaadhayn, caalamkana waan ka hadhaynaa haddii aynaan qabyaalada ka bixin wax ay soo wadaana ma jirto saddexda xisbina waxa aan leeyahay ka waantooba qabyaalada oo ummad nadiifa abuura oo aqoontu sarayso abuura ayaan leeyahay .”