Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa bulshada Somaliland u soo jeediyay inay u dhug yeeshaan taariikhada u dhaxaysa Somaliland iyo Somalia sidoo kalana ogaadaan maalmaha 18may iyo 26 juun waxa ay ku kala duwan yihiin . FAYSALIYO-CIRO Waxaanu yidhi Faysal Cali Waraabe “Somaliland Iyo Somaliya waxay ahaayeen laba dal ,shacabkaygiiyow hadaad taariikhda laydinka lumiyo cidlaa laydinka helayaa imika Somaliya waxay samaysay baarlaman ka kooban 275 ah waxay u kala qaateen min 61 inaga waxay ina siiyeen 58 reer waqooyi oo dhan hal beel oo iyaga ah baa inaga badan halkii aynu baarlamanka ka lahayn saddex meeloodaw meel “ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Guddomiyaha UCID oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “arrintan 18may in la dhaho reer baa leh oo ay khalad gasho waa khalad taariikhada lama khaldo 26 juun calan waynu helnay laakiin waxa uu la mid yahay ilmo inta aad ku curatay 4 maalmood markii uu jiray saqiiray markaa mawaxaad xusaysaan ka 25 sano jiry mise ka 4 cisho ku saqiiray ,ninka 18 may shakiga galinayaa habeen muu jirin kaas faataxada ayaynu u maraynaa habeen iyo maalintoona kal garan maayo “ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe Guddomiyaha Xisbiga UCID.