“Somaliland Dimuqraadiyadda Waxay Ka Dhaxashay Dhaqan Xumo Iyo Diin La’aan” Al-shabaab Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama dalka Somalia ayaa barnaamij ay ugu magac dareen diirada jimcaha ku soo qaatay doorashooyinka Somaliland ee dimuqraadiga ah,iyagoo sheegay inay khatar ku yihiin diinta islaamka. images Haddaba barnamaijkan oo ay ka qayb qaadanayaan qaarka mid ah xarakada al shabaab,ayaa waxay khadka telefoonka ku waraysanayaan dhallinyaro joogta Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland. Barnaamijkan oo ka kooban saacad iyo labaatan daqiiqo ayaa dhammantii lagag hadlayaa arrimaha doorashada Somaliland oo sannadka 2017-ka dalka oo dhan ka qabsoomi doonta, dimuqraadiyadda, anshaxa diineed ee shacbiga iyo dawladda Somaliland, siyaasadda tacliinta, dhaqaalaha dalka, xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalka jaarka iyo arrimo kale oo ku tacaluqa xaaladda Somaliland. Guud ahaan barnaamijkan ayaa lagu soo bandhigay dacaayado badan oo la xidhiidha habdhaqanka bulshada Somaliland ee nadiifta ah oo aad loogu dhaleecyey baraanmijkan dhexdiisa, waxaa kale oo intii barnaamijkan socday lagu falanqeeyey saamaynta dimuqraadiyaddu ku yeelatay Somaliland taasoo barnaamijkan lagu sheegay inay dib u dhac u sababtay shucuubta Somaliland. Waxaana ka mid ahaa erayadii laga yidhi: “Somaliland dimuqraadiyadda iyo gooni u goosadka, waxay ka dhaxashay diin la’aan, dhaqan xumo, dhaqaale la’aan, kala jab ku yimi umadda, ku dayasho gaaleed iyo dib dhac dhinac kasta”. Sidoo kale barnaamijkan waxa ay ka qaybgalayaashii oo qaarkood Hargeysa ku sugnaayeen ka been sheegen siyaasadda tacliimeed ee dalka, iyagoo shacbiga Somaliland ku sheegay qaar gaalada la mac noqonnayaa maalina maalinta ka dambaysa, isla markaana waxaa si wayn loogu aflagaadeeyey culimada dalka qaarkood oo aan lamagac dhabin balse sifo ahaan loo tibaaxay. Geesta kale barnaamijkan waxaa lagaga hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya oo lagu sheegay inuu yahay mid gumaysi ku dhisan isla markaana waxa ay Itoobiya ku sheegeen cadawga koowaad ee Somaliland leedahay. Gabogabadii dacaayadaha lagu faafiyey barnaamijkan waxaa ka mid ahaa heshiiska dekedda Berbera oo lagu sheegay inuu ahaa mid Somaliland ku khasbaya inay maxmiyad u noqoto Itoobiya Madaxda Somaliland waxay ku tilmaameen qaar u rahman dalka Itoobiya, sidoo kale waxaa la sheegay inuu heshiiskani lagu khiyaameeyey bulshada Somaliland oo loo sheegay inay shaqaale ka heli doonaan. Ugu dambayn Dawlada Somaliland wali kama hadal,arrinkan,iyadoo Hargeysa dhexdeeda lagu waraystay dhallinyaro reer Somaliland. Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday