Xisbiga WADDANI Oo Isku Khilaafsan Heshiiska Dekedda Berbera, Digniinta Axmed Muumin Seed Iyo Dareenka Uuracdde.
“Waxaanu Imaaraadka u sheegaynaa inaanu heshiiskaasi sinaba sharci u noqon doonin” Axmed Muumin Seed “Xisbiga WADDANI Wuu Soo Dhowaynayaa Maalgashi Kasta Oo Umadda Dani Ugu Jirto” Maxamed Cabdillaahi Uurcadde Hargeysaqoryaalenews -Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo hore u qaadacay heshiiska balaadhinta dekedda Berbera ayaa haatan sheegay inay arrintaasi soo dhawaynayaan haddii ay dalkaiyo dakd faa’iido u leedahay. Cirro-iyo-Axmed-Muumin Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga WADDANI oo hore uga hadlay heshiiska balaadhinta iyo carsiyeynta dekedda Berbera ayaa sheegay inaanu heshiiskaasi sinaba sharci ku ahayn anaay ogolaan doonina, waxaana uu ugu baaqay dawladda Imaaraadka inaanay rajo ka sugin heshiiskaan, waxaana uu yidhi: “horta waxaa nasiib darro inay imaaraadka carabta ay heshiis la soo saxeexdeen xukuumadda Axmed Siilaanyo oo waliba ku wehelinayo, heshiiskaas oo sharciga dalka baal marsan, Waxaanu cod dheer ugu sheegaynaa Imaaraadka inaan heshiiskan Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE soo wada galeen ee xaaraanta ahi sinaba sharci ku noqon doonin” Hase yeeshee Xoghaya guud ee xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo isna arrintan ka hadlay ayaa sheegay inaan xisbiga WADDANI ka soo horjeedin wax kasta oo dalka dan u ah, isla markaana waxa uu carabaabay inay taageersan yihiin heshiiska dekedda Berbera inta ay danta shacabku ku dhex jirto, waxaana uu Uurcadde yidhi: “Xisbiga WADDANI waxa uu soo dhawaynayaa maalgashi kasta oo loo sameeyo meel kasta oo ka mid ah Somaliland oo laakiin ah mid umadda iyo dadka anfcaya, maalgashiga la sheegay ee loo raadiyey Dekedda Berbera anagu ma diidani hadaanu nahay xisbiga WADDANI maalgaashigaas haddii aanay ahayn xaqal qalin”. Xisbiga KULMIYE ayaa hore ugu eedeeyey xisbiga WADDANI inuu u adeegayo cadawga Somaliland, sidoo kalena shacbiga ayaa dareen taban ka bixiyey dhawaaqa xisbiga WADDANI waxaana laga yaabaa inay taasi keentay inuu xisbigaasi fikirkiisa bedelo. Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday