Qoraal Uu Madaxweynaha Somaliland Diray Dawladda Ingiriiska Oo La Gudoonsiiyay Raysal Wasaare David Cameron.

0
479

Warqad Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo beesha caalamka oo la xidhiidha garnaqsiga aqoonsi beesha caalamka ay ka hesho Somaliland,ayaa la gaadhsiiyay raysal wasaaraha dalka Inrgiiska David Cameron maalintii Arbacadii ee beegnayd 25 guurada maalinta qaranimada Somaliland ee 18ka May.sidaana waxa xaqiijisay haweenay ka tirsan baarlamaanka dalka Ingriiska oo magaceeda la yidhaah Kerry McCarthy oo soo saartay qoraal ay kaga hadashay arrintan,iyadoo ku dhiirigalisay beesha caalamka inay qiraan guusha Somaliland samaysay 25 sanno ee ay madax banaanida haysatay.

 

Marwo Kerry McCarthy oo ah xoghaya deegaanka,cuntada iyo arrimaha reer miyiga ee xisbiga Mucaaridka ah ee Labour-ka oo qoraal ku baahisay Facebook-geeda oo warbaahinta Toosh media soo xigatay.

‘Waxa loo gudbinayaa Raysal-wasaraha UK warqad ka timid Madaxwaynaha Somaliland,waxaan rajaynayaa inay ka soo bixi doonto jawaab dhab ahi iyo in laga caawiyo Somaliland inay hore u qaado tallaabo u dhawaynaysay in loo aqoonsado dal madax banana ,taasina way cadahay’ ayay tidhi Kerry McMarthy.

Waxa kale oo ay sheegtay in la gaadhay wakhtigii laga garaabi lahaa guusha ay ka midho-dhalisay dawlada Somaliland.

‘Maanta(Arbacadii)18ka May waxay ku calaamadsantahay sannad guurada 25aad ee  markii Somaliland oo ah maxmiyaddii hore ee Ingriisku ay ka go’day Somalia oo ah maxmiyaddii hore ee Talyaaniga.Inkasta oo ay leedahay taariikhdeeda u gaarka ah ee inay ahayd dal madax banana ka hor intii aanay labada dal isku biirin,haddana 25 sanno ee ay goonida u taagnayd oo ahayd mid xasilloon,nabadgalyo ah oo hirgalisay hanaan dimuqraadi ah,haddana Somaliland wali looma aqoonsana qaran madax banaan.Waxa kaliya ee Somaliland gaadhsiin kara dadaalkeed oo buuxa waa aqoonsi,waxaanan rumaysanahay in ay tahay xilligii beesha caalamku qiri lahayd tan oo ay dhegaysan lahayd arrinta aqoonsigeeda’ ayay ku tidhi qoraalkeda xildhibaan Kerry McCarthy.

Dhinac kale,xildhibaankani waxay xustay in bulshada reer Somaliland eek u nool Ingriiska,gaar ahaan magaalada Biristol ay wax tar wayn u leeyihiin dalkasi oo ay ka qayb qaataan nolosha bulshada,sidaasi darteedna looga baahan yahay dawlada Ingriiska inay hormuud ka noqoto aqoonsiga maxmiyaddaa hore.

Xildhibaankani waxay ballanqaaday dadaal ku saabsan aqoonsiga Somaliland oo ay ka samayn doonaan baarlamaanka Inrgiiska.

‘Waxaan samayn doonaa wax allaale iyo wixii aan awoodo,anigoo la shaqayn doona asxaabtayda(Xildhibaannada) taageersan Somaliland(All-party parliamentary Group on Somaliland)inaanu ku dhiirrigelino dawlada inay sidaa samaysao(Aqoonsato),ayay hadalkeeda ku soo gabagabaysay haweenaydan xildhibaannada ahi.

Dalka Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii xoriyadiisa dib ugala soo noqday dalkii Somalia oo ay isku biireen sannadkii 1960-kii,kadib markii caddaallad daro soo waajahday maamulkii markaa jiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here