“Waxaan Filayaa In Maalmaha Soo Socda Hargeysa Iyo Jabuuti Shax Aan La Garanayn Ay Ciyaari Doonnaan” Mid Ka Mid Ah Murrashixiintii Jabuuti.

0
511

Mid ka mid ah Murrashixiintii doorashada kula tartantay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo lagu magacaabo Maxamed Muuse Tuurtuur, kaasoo lagu tilmaamo siyaasi xag jir ah marka loo eego dadka reer Jabuuti dhexdooda, isla markaana waxa ka soo yeedhay qayla dhaan hurin ah oo kala soocaysa dadka reer Jabuuti iyo wada noolaanshaha shucuubta mandaqada.

image

 

Maxamed Muuse Tuurtuur hadalkaa muuqaalka ah ee laga soo duubay oo lagu baahiyay baraha internetka afsoomaaliga wax ku baahiya wuxuu kaga hadlay khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay Somaliland iyo Jabuuti.

Sidoo kale wuxuu kaga hadlay heshiis iskaashiga dhinaca ciidamadda ah oo uu sheegay inay kala saxeexdeen Jabuuti iyo Itoobiya, isla markaana wuxuu si wayn u dhaliilay hogaaminta Madaxweyne Geelle. Hase yeeshee hadalkiisaa wuxuu wargeyska Ogaal ka soo garoocday weedhihiisa ku wajahnaa Somaliland iyo Jabuuti, ganacsade Boore, Dahabshiil, Ina Aw Siciid, waxaanuu ku bilaabay oo  uu yidhi; “Hadda doorashadii way dhamaatay, in xatooyo qaran dhacday, oo inqilaab dhacay balse dareenkiinii aad noo muujiseen, ii codayseen, weliba aniga ii codayseen. Ka gadaal baan sheegi doonnaa waxaan ka yeeli doono.

Siyaasadii Jabuuti way rablaysay, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxaan sugaynay inuu dalka ugu baaqo siyaasad jadiid ah oo daacad ah oo xalaal ah, laakiin halkii uun buu ku noqday.”

Intaa wuxuu ku sii daray oo uu yidhi;  “Dhaliilo badan oo aan sheegi jiray ayaa soo ifbaxaya, tolloow Ina Boore maanta waa kaa Berbera inoo waydaartay, Boore Berberuu tegay, hantidii qarankuna waa ku maqan tahay, markaa maxaa laga yeeli doonnaa, waa tan Somaliland tidhi cadowga keliya ee Somaliland leedahay ee ay aqoonsi ka wayday ee ay dhaqaale ka wayday waa Jabuutiye, Dahabshiil maxaa laga yeeli doonnaa iyo Ina Aw Siciid iyo ragga hantida qaranka haya ee leggaa kale jooga. Waxaan filayaa maalmaha soo socda Hargeysa iyo Jabuuti shax aan la garanayn inay ciyaari doonnaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here