Xildhibaan Cabdi Laki Oo Kamida Golaha Deegaan Burco Oo Taageero Wayn Umuujiyay Balaadhinta Dekeda Berbera, Baaq Culusna Udiray Dadka Ka Soo Horjeestay Balaadhinta Dekeda Berbera.

0
473

Xildhibaan Cabdi Laki Oo Kamida Golaha Deegaan Burco Oo Taageero Wayn Umuujiyay Balaadhinta Dekeda Berbera, Baaq Culusna Udiray Dadka Ka Soo Horjeestay Balaadhinta Dekeda Berbera.

Xildhibaan Cabdi –Laki Xasan Xaaji Nuur Oo kamida Xildhibaanada ugu firfircoon Golaha Deegaanka Degmada Burco Ayaa Ku Taageeray Xukuumada Somaliland Heshiiskii Caalamiga Ahaa Ee ay la gashay Isutaga Imaaraadka Carabta ee lagu balaadhinayo Dekada Magaalada Berbera,

Xildhibaanka Ayaa Qoraal Kooban Oo Uu Soo Gaadhsiiyay Warbaahinta Waxa Uu Ku Sheegay Sidan.

“Anigoo Ah Xil, Cabd-laki Waxaan La Qabaa Dareenkayga Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka Somaliland Ee taageeraya Heshiiska caalimiga ah ee dawladeenu la gashay shirkada laga leeyahay Dubai ee balaadhinaysa dekedeena Berbera, waxaan uga mahad celinayaa Madaxweyneheena Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Horumarka iyo barwaaqada uu usoo hooyay shacabka Somaliland,

Hadii aanu nahay xildhibaanadii ay bulshadu soo doortayna waanu ku raacsanahay wareejintaa dekeda Berbera oo waqti dhaw ka dib noqon doonto Deked Caalami ah oo siweyn u anfacda dalkeena iyo dawladaha Geeska Africa oo dhan, waxaana marlabaad mahadaas iska leh xukuumadeena uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo runtii intii uu xilka hayay Wax Badan uqabtay Dalka,

Waxaan intaa ku darayaa oo kula talinayaa cid kasta oo kasoo horjeesata Balaadhinta Dekeda Berbera Waxaan Odhan lahaa Dalka Danbi haka gelina oo waxaad la fikir noqoteen Soomaaliyee Ka Soo noqda oo dalkeena horumarkiisa aynu dhinac uga soo wada jeesano.

Wabillahi Tawfiiq.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here