Magalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Oo Mudooyinki Udanbayay Waxa Ka Da,ayay Roobka Gu,ga Waxana Samayn Xoogan Ku Yeeshay Xaafado Badan Oo Ka Mida Magalaa Burco ,Daad Xogaan Oo Ku Soo Fatahay Magalada Burco Oo Burburiyay Wadooyin Iyo Xafado Uu Badan Dan yar Oo U Qaatay Gabi Ahaanba.
Moos Baladhan Oo Ku Wareegsan Magalada Burco oo Daadka Ka Qaban Jiray Magalada Oo jabay Iyo Dawlada Hoose Oo Ku Fashilantay Xal U Heelida Inay Dib Oloosto Mooskaasi Oo Muddo Laga Joogo Todabaad Ay Qaylo Dhaan Xoogan Ka Mujinayeen Xafadaha Danyarta Isla Markaana Sheegay In Soo Jabay Mooski Biyaha Celin Jiray.
Dawlada Hoose Ee Degmada Burco Oo
Dhagaha Ka Furaysatay Cabashada Dadka Danyarta Oo Moosku Hada Samayn Xoogan Ku Yeeshay Mar aan Wax Ka Wayndiinay Xildhibaano Ka Mida Golaha Degaanka Degmada Burco Sababta Ka Danbaysa In Dawlada Hoose Ee Degmada Burco Uga Qaban Wayday Mooskani Soo Jabay Ayaa Waxay Shegeen In Gabi Ahaanba Ay Fadhiyaan Qalabki Lagu Adeegi Lahaa Bulshada Taasina Ay Sabab U Tahay Xilasinimada Gudida Fulinta Dalwada Hoose.
Xabalaha Samaynta U Ku Yeeshay |
Xildhibaan Kayse Cabdi Raage Oo Ka Mid Ah Golaha Deegaanka Degmada Burco Oo Aan Khadka Tilifoonka Kula Xidhiidhnay Ayaa Noo Sheegay In Gabi Ahaanbay Ay Fadhiyaan Tiraba Saddax Caagafgaf Oo Ay Dalwada Hoose Lahayd Waxana Uu Sheegay Inay Taasi Tahay Xilkasnimo La,aan Hahaysata Gudida Fulinta Dawlada Hoose Waxana Uu Ku Eedayay Inay Dhagaha Ka Furaysteen Dadwaynaha Burco Ee Cabashooyinka Iyo Qayladhaanta Kale Duwan U Diray Gudida Fulinta Dawlada Hoose.