Home Muuqaalo Maasuqa Cashuuraha Dawladda Hoose Ee Burco Oo Heerkii Ugu Saraysay Gaadhay ,Maayir...
Masuq-maasuqa iyo Boobka Madaxda gaar’ahaan Maayirka Dawladda Hoose ee Burco Maxamed Muraad ku hayo ,Cashuurta Dadweynaha ee Dawladda Hoose iyo Hantida kale oo sanadadii u danbeeyay mar-ba marka ka danbeysa soo kordhaysay ayaa todobaadadii u danbeeyay Cirka isku shareertay Isla markaana hada Waji cusub yeelatay ka dib markii Maayirka Burco iyo Xildhibaano Xoogani isku dhaceen .
Maayir Maxamed Muraad ayaa waxa uu si aan Gabasho lahayn ,Dhawr Gaadhi oo mid ka mid ahi yahay Xaajiyadan Saarufta ah ee aad Sawirkeeda aragtaan ,u iibiyay maalmo ka hor ,Xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Deegaanka Burco ,gaar’ahaan kuwa u daacada ah garabkiisa ,sida ay noo xaqiijiyeen Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Burco.
Maayirka ayaa ugu talogalay xildhibaanadan uu u iibiyay Gawaadhidan cusub in aaney la Safan Gabarka xooga badan ee Xildhibaanada ah ee ka soo horjeeda oo xiitaa Maayir Ku Xigeenka Burco la socdo ,kuwaasi Maayirka ku wada Mooshin ka dhan ah oo ay doonayaan in ay Xilka kaga Xayuubiyaan ,isla markaana Maayir cusub ku doortaan .
Sidoo kale Duqa Degmada Burco iyo Xoghayaha dawladda Hoose ayaa maalmihii u danbeeyay Lacagaha Dawladda Hoose ku bixinaayay Odayaal Waji Ku Macaash ah oo taageero u muujiya ,isla markaana dhaleeceeya Xildhibaanada Mooshinka ku wada ,si uu u majaro habaabiyo Hanti Boobka iyo indhaha bulshada .
Mida kale Hanti Lunsiga Hogaanka Dawladda Hoose ee Burco ayaa sanadihii u danbeeyay soo xoogaysanaayay ,isagoo haatan maraaya heerkii ugu xumaa .
Geesta kale waxa layaab leh Hanti-dhawrka Somaliland iyo Xukuumadda sare ayaan ka hadal isla markaana daawanaysa Boobkan iyo Waxyaabahan Burco ka socda ee Maayirka Burco iyo Xoghayuha Fulintu Wadaan ,kuna xaragoonayaan .
Ta kale Xidhiidho kala duwan oo aanu isku daynay in aanu Masuuliyiinta Dawladda Hoose arintan wax kaga waydiino ,noomay suurtoobin.
Madaxweynaha Somaliland iyo Masuuliyiinta Xisbigiisa Kulmiye ayaa markii ay Xilkan ay hayaan Debed jooga ka ahaayeen waxay wacad ku mari-jireen in ay la dagaalami-doonaan Musuq-maasaqa iyo Hanti Lunsiga ,iyagoo arintaasi ku eedayn jiray Xukuumadii ka horeysay ,hasa-yeeshee arintaasi may noqonin mid fusha .Waxaana hada dhacay in Musuqmaasuqu gaadho ,halkii markii hore uu taagnaa meel ka saraysa oo dalka iyo dadkaba halis ku ah.
Waxaaney arintaasi niyad jab weyn ku keentay bulshadii reer Somaliland oo Kalsoonidaro ka qaaday Xukuumadoodii iyo Mutaqbalkii dalkooda ka dib markii la Xakamayn waayay ,corruption iyo Waxyaabaha Dhacaaya ,ee Masuuliyiintu ku kacayaan .
Waxaaney taasi sababtay in Jiilkii soo koraayay ee Somaliland Niyad-Jab awgii Wadankooda aamini-waayaan isla markaana dalkooda ka Tahriibaan ,taasi oo Kumanaan Qof ku nafwaayeen.
Like this:
Like Loading...
Related