Taliyihii Booliska Qaybta Gobolka Sanaag Ee Maamulka Puntland Axmed Gega-Roor Iyo Ciidamo Uu Wato Oo Isku Soo Dhiibay Somaliland Ciidamo ka soo goostay maamul goboleedka Puntland ee Somalia, ayaa isku soo dhiibay Somaliland, kuwaas oo uu hogaaminayo Gaashaanle Sare Axmed Siciid Maxamed (Axmed Gegoroor) oo ahaa Taliyihii Booliska maamulkaasi ugu magacawnaa Gobolka Sanaa Ciidanka ka soo goostay maamulka Puntland, ayaa maalintii Khamiistii ina dhaaftay isku soo dhiibay maamulka Gobolka Sanaag ee Somaliland, kuwaas oo la sheegay in ay ciidan badan yihiin, isla markaana uu wato Axmed Gegoroor, kaas oo ciidanka uu wato kaga yimid deegaanka Xiingalool ee bariga sanaag, isaguna uu soo gaadhay magaaladda Ceerigaabo. Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Jaamac Falaay iyo Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag, ayaa Ciidanka oo sheegay in ay dhinaca Hargeysa u soo wadaan Sarkaalkan hogaaminaya ciidanka isku soo dhiibay Somaliland, kuwaas oo la sheegay in ay habeen hore soo gaadheen magaaladda Burco oo ay u soo dhaafayaan dhinaca magaaladda Hargeysa oo ay ku soo jeedaan. Gaashaanle sare Axmed Gega roor, ayaa wararka ay sida ay xalay baahisay Somalilandrise.com oo wargeyska HUBAAL warkan kasoo xigtay tibaaxo aan sugnayni weriyeen in dawladda Somaliland u ballanqaaday xil sare in loo magacaabo, kaasi oo aan la xaqiijin nooca xilkaasi yahay iyo halka uu noqon doono, wallow ay tibaaxahani weriyeen in aanay ka durugsanayn deegannada gobolka Sanaag, lagana yaabo in loo dhiibo xilka taliyaha qaybta booliska ee bariga Sanaag.