Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa deyr weyn ka dhistay dhul ay magaalada Berbera ku lahayd wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada,
Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Ayaan iyadu arrimaha dhulkan waxba ka ogayn ,iyada oo wararka qaarkoodna sheegayaan in wasiir Cali Mareexaan ka war hayo dhulkaasi ,laakiin ka muquurtay ka hadalkiisa.
Ilaa hadda ma jirto cid ka hadashay,iyaga oo goobtaaslaga wado dhismaha deyrkaasi,waxaanu dhulkaasi ku yaalaa dhismaha wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee gobolka Saaxil dabadeeda,waxaana qayb kamidah isla dayrka wasaaradaasi.
Guddoomiye Ramaax ayaa faro gelin balaadhan ku haya isla gobolkaas Saaxil ee uu kazoo jeedo,isaga oo guddoomiye ka ah gobolka Awdal,waxaana lagu xidhiidhiyaa hawlo badan oo ka dhacay gobolka Saaxil iyo sidoo kalena hawl kale oo ka socda intaba