Ciidamada Bilayska Qaybta Bariga Hargeysa Oo Albaabada U Laabay Meherad Fiisayaasha Soo Saarta

0
515

Ciidamada Bilayska Qaybta Bariga Hargeysa Oo Albaabada U Laabay Meherad Fiisayaasha Soo Saarta  Kadib Amarkii Madaxweynaha Somaliland ee ku aadanaa in laamaha Amaanku u hawlgalaan Soo qabashada Dadka Tahriibta ka shaqeeya,waxa si culus arintaasi ugu hawlgalay Ciidanka bilayska   Hargeisa (BurcoOnline) 25.04.2016 Kadib Amarkii Madaxweynaha Somaliland ee ku aadanaa in laamaha Amaanku u hawlgalaan Soo qabashada Dadka Tahriibta ka shaqeeya,waxa si culus arintaasi ugu hawlgalay Ciidanka bilayska gaar ahaan Ciidanka Ka hawlgala Bariga Magaalada Hargeysa waxaanay shalay ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan mid ka mid ah Shirkadaha loo tirinayo inay Dhalinyartii ugu badnayd ee Somaliland u tahriibiyeen Dalka Masar oo ay Dhawaan Masiibadii ugu xumayd ka dhacday islamarkaana ay ku loodeen Dhalinyaro badan oo reer Somaliland ahi. Illo-wareedyo wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay in Ciidan uu hogaaminayay Laba Xidigleh Mustafe Cabdi Axmed oo ah Xoghaynta Qaybta Barriga Hargeysa ay shalay gacanta ku soo dhigeen Mulkiilaha Shirkad lagu magacaabo Xamari Travel Agancy oo ka shaqaysta Tahriibka Dhalinyaradda,kaasi oo Illaa Xallay ku jiray Saldhiga New Hargeysa. Mulkiilaha Shirkadan oo magaciisa layidhaa Iid Xamari ayaa sida lanoo xaqiijiyay loo haystaa dhalinyaro illaa laba boqol ku dhaw oo shirkadiisii u fududaysay Safar ay ugu baxeen Dalka Masar. Warar kale ayaa sheegay in dhalinyartaasi qaarkood ay ka mid noqdeen Dhalinyartii dhawaan ku qarqoontay Badda u dhexaysay Masar iyo Talyaaniga. Madaxweyne Siilaanyo ayaa todobaadkii hore soo saaray go’aan uu Laamaha Amaanku amar ku siiyay inay dabagal ku sameeyaan Shirkadaha Xarumaha ku leh Somaliland ee Tahriibta ka shaqeeya islamarkaana ay mutaysan doonaan Ciqaab culus. Waxa ay ciidanka Bilaysku isku diyaariyeen Raadinta soo qabashada cid kasta oo loo tirinayo Tahriibka,waxaanay talaabadani ka mid tahay Talaabooyinka Hor dhaca ah ee ay ciidanku qaadeen. Mulkiilayaasha Shirkadahani ayaa u badan maalqabeen waxaana suurtagal ah in Cadaadis la saaro Ciidanku inay Siidaayaan ka hor intaa Maxkamada La saarin. Dhinaca kale warar xalay nasoo gaadhay ayaa noo sheegay inay jiraan Shaqsiyaad Magac leh oo Mulkiilaha shirkadaasi siidayntiisa ku mashaquulsanaa,islamarkaana ku gaafwareegayay Saldhiga New Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here