Dawladda Ruushka Oo Sheegtay Inay Soomaaliya Hub ka iibinayso Marka Laga Qaado Cunaqabataynta Hubka.

0
507

Afhayeen Sare oo u hadlay Iskaashiga Farsamadda Milliteriga ee Adeegga Federalka Raashiya ayaa sheegay inay Dowladda Raashiya diyaaar u tahay in la xaqiijiyo Codsiga ay Dowladda Federalka Somalia ku doonayaan in Hub looga iibiyo.

omar-ruush
Afhayeenka oo la hadlayey Wakaalladda Wararka Raashiya ee RIA Novosti ayaa tilmaamay inay Dowladda Somalia hubka ka iibin doonaan isla marka laga qaado Cunaqabataynta QM ee Hubka ee saaran dalka Somalia.

“Raashiya waxay diyaar u tahay inay meelmariso Codsiyadda Hubka ee uga yimaada dhamaan Dalalka Caalamka, oo ay Somalia ku jirto, haddii aysan cunaqabatayn saarnayn” ayuu yiri Afhayeenkaasi.

Hadalkiisa ayaa yimid hal maalin kadib, markii uu Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Sergei Lavarov.

Kulankaasi oo ka dhacay caasimadda dalka Raashiya ee Mosko ayaa waxa uu Ra’isul-wasaaruhu ka codsaday Dowladda Federalka Raashiya inay taageero ka geeystaan Horumarinta Dhaqaalaha Somalia iyo Xoojinta Awoodda Ciiddanka Qaranka Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Sergei Lavarov waxa uu sheegay inay Dowladiisa diyaar u tahay inay garwaaqsadaan inay Somalia iska kaashadaan Arrimaha Farsamadda Milliteriga.

Dalka Somalia waxaa saaran Cunaqabatayn dhinaca Hubka oo ay Golaha Ammaanka ee QM ku soo rogeen Somalia bishii Janaayo ee sannadkii 1992-kii, xilligaasi oo ay dagaallo sokeeye ka socdeen magaalladda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Goballadda Somalia.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xalay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ka codsaday in Somalia laga qaado Xayiradda Hubka, si ay Ciiddanka Qaranka u helaan Hub ay u adeegsadaan Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, xubnaha Golaha Ammaanka ee QM wax jawaab-celin ah kama bixinin Codsiga Madaxweynaha Somalia, balse, waxaa lagu wadaa inay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM dhawaan booqasho Hawleed ku yimaadaan Somalia, si ay u qiimeeyaan Xaalladda Ammaanka iyo Hawlgalladda ay AMISOM iyo Ciiddanka Dowladda kula jiraan Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here