Xisbiga wadani Oo Ka Hadlay Natiijoooyin Ay Ka Gaadheen Wada Hadalladii Isbahaysiga KULMIYE Iyo Wax Ka Bedelka Lagu Sameeyey Xeerka Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha.

0
528

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay natiijooyin hor dhac ah oo ay ka gaadheen wada hadalladii muddooyinkii u dambeeyey ay la lahaayeen Isbahaysiga Kulmiye, ansixinta xeerka diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka ee wax ka bedelka lagu sameeyey iyo kulamo la sheegay in ay dhex mareen Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Madaxweyne Axmed Siillaanyo.

1-24-740×416
Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa sheegay in ay Natiijooyin hor dhac ah ka gaadheen Isbahaysiga Kulmiye ee muddooyinkii u dambeeyey wada hadalku u socday.

Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Wada hadalladii Isbahaysiga Kulmiye iyo Xisbiga Waddani meel wanaagsan ayey marayaa, waanu soo dhaweynay oo iyaguna way na soo dhaweeyeen meel wanaagsanna way marayaan wada hadalladaasi, natiijo fiican ayaanu ka gaadhnay wada hadalka waanuu socdaa oo weli ma dhama oo si dhakhsa ah ayaanu u dhamaynaynaa, laakiin hadda meel aad u fiican ayey marayaan, dhowaan ayaanu shaacin doonnaa natiijada wada hadalkaas marka la dhamaystiro insha allaah, waxaanu rajaynaynaa in ay wada hadalladaasi si dhakhso ah u soo geba gaboobaan”

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo aan wax ka waydiinay ujeedada kulamo la sheegay in uu Guddoomiyaha Xisbigaasi Cabdiraxmaan Cirro la yeeshay Madaxweyne Axmed Siillaanyo, waxa uu ku jawaabay “Guddoomiyaha Xisbiga waddani waa Guddoomiyaha Golaha wakiilada oo masuuliyiinta qaranka ugu saraysa ayuu ku jiraa, hawlaha qarankana saacad kasta oo loo baahdo madaxweynaha way ka wada hadlaan, danaha qaranka ayuunbay ka wada hadleen oo wax gaar ah oo ay ka wada hadleen ma jirin”

Maxamed Cabdilaahi Uur Cadde oo ka jawaabayey su’aal ahayd aragtida xisbiga wadani ee xeerka diiwaan gelinta Codbixiyeyaasha ee wax ka bedelka lagu sameeyey waxa uu yidhi “Arrintan imika dib u habaynta lagu sameeyey ee Xeerka diiwaan gelinta Codbixiyeyaashu waa arrintii ay dhibtu ka dhacday, waxaana dib loogu soo noqday tii lagu eedaynayey guddoomiyaha Golaha wakiilada, aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynayaa golaha wakiilada, waana guul Somaliland u soo hoyatay, dabar ayaanay ku ahayd doorashooyinka arrintaasi waanu ku hambalyeynaynaa golaha in ay ka qaadeen, waxa ay ahayd mid cid dano gaar ah lihi ay ku tagri falaysay haddii ay golaha wakiiladu ka qaadeenna aad ayaanu ugu hambalyeynaynaa, waanu soo dhaweynaynaa hadaanu nahay Waddani, anagu wixii qaranka u fiican waanu hambalyeynaa, tanina waa mid qaranka Somaliland iyo dimuqraadiyadda u fiican, in diiwaan gelintu lix bilood ka hor timaaddo ayey ahayd loomana baahnayn oo muddo ayey golaha wakiiladu isku haysteen, haddii ay imika sexeenna aad ayaanu ugu hambalyeynaynaa, wakhti kasta oo la bilaabayana diyaar ayaanu u nahay, laakiin waxaanu ka digaynaa in aan diiwaan gelinta la gaadhsiinin oo aan laga qaban Sool iyo Sanaag bari, dadkaas waa in aan xaqooda la duudsiyin diiwana gelin diyaar ayey u yihiin”

Xoghayaha Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo aanu waydiinay waxa iska bedelay go’aankii ay ku diidanaayeen dib u dhigista diiwaan gelinta, waxa uu ku jawaabay “Hal milyan ayey khasaartay Xukuumaddu diiwaan gelinta dib loo dhigay, taas ayuunbaanu lahayn dadka tabaalaysan wax ha lagu taro, goor walba diyaar ayaanu u nahay goor walba oo diiwaan gelinta la bilaabayo, waxa ka mid ah sababaha dib loogu dhigay bariga sanaag, Buuhoodle iyo bariga sool oo aan la doonayn in aan diiwaan gelinbta laga qabto, diiwaan gelinta Komishanka ayaa wada xukuumaduna faro gelin ayey ku haysaa waa in ay ka dayso carqaladda ay ku hayaan xubno wasiiro ah oo xukuumadda ka tirsan diiwaan gelinta” ayuu yidhi xoghayaha waddani.

Xigasho: Saxansaxo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here