Wasiir Israa’iil Ah Oo Diiday In Uu gacanta Ka Salaamo Haweenay Wasiir Ah Oo Ka Socotay Faransiiska.

0
475

Wasiirka caafimaadka maamulka Isra’el Yaakov Litzman ayaa diiday in uu gacanta geliyo oo uu salaamo wasiiradda caafimaadka ee Faransiiska Marisol Touraine, oo booqasho ku tagtay Isra’el 31kii bishii ina soo dhaaftay ee sannadkan.

sala_4
Wargeysyada ka soo baxa Faransa ayaa arrinkaasi ku tilmaamay in ay tahay arrin fool xun ah,mana ahan buu yiri wargeysku markii ugu horraysay oo Yaakov arrintaasi ku kacayo,sidoo kale sannadkii 2012 markuu wasiirkan soo dhoweynayay wasiiraddii caafimaadka ee Belgium,wuu u diiday in uu gacanta geliyo oo uu salaamo.

Dhinaca kale xisbiga uu madaxa ka yahay wasiirka caafimaadka ee Isra’el ayaa sheegay in arrintaasi oo ah in ragga aysan dumarka gacanta gelin oo aysan salaamin ay tahay arrin diini ah,waxayna ku qoran tahay buu sheegay xisbigu: diinta Towreedka.
Dhacdadaas oo aad uga carootay wasiiradda caafimaadka ee Faransiiska ayaa ku jawaabtay oo tiri:waxaan leeyahay gacmo nadiif ah,arrinkan noocan oo kale ahina waxaa ku kaca kuwa mayalka adag,aad bayna anigu ii dhibaysa,bay tiri wasiiradda.
Wasiiradda caafimaadka ee Faransiiska waxay kaloo booqasho ku martay bariga dhexe,kuwii carabta ahaana ee ragga markii ay soo dhoweynayeen wey gacan geliyeen oo salaameen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here