Wasiirka Hawlaha Guud, gaadiid iyo guryaynta Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa shalay socdaal shaqo ku tagay wadada isku xidha Wajaale iyo Kalabaydh oo ay wax yeelo u gaysteen roobabkii xogaana ee dhowaan dalka ka da’ay, waxaana uu wasiirku sheegay in dib udhis iyo dayactir lagu samayn doono dhismaha wadadaasi.
130
Wasiir Cali Mareexaan oo hadalo kooban ka jeediyey halkaas ayaa sheegay in dhismaha wadadani uu gabogabo ku dhow yahay la na filayo in dhowaan la dhamaystito ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay inay ka qayb qaataan horumarka wadooyinka, waxaana uu uga digay inay ka mid noqdaan shakhsiyaad uu sheegay inaanay qaranka wax nacfi ah ugu filan kuwaasoo mikirfoono la dhextaagan wadooyiinka isla markaana dhalleecayn iyo dhaliil shaqo ka dhigtay, waxaana uu yidhi Wasiirku:
“dalkeena beryahan waxaa ku soo batay dad wax matarayaal ah oo saxaafadda intay u yeedhaan ku odhanayaa halkaas iyo halkaas wax lagama qaban, wax alle wax taraan ma jirto , dadka qaar arrin iyo aduun ayay kugu biirinayaan laakiin wax matarayaashaa wadooyinka buuqa la dhex taagan haddii aydaan waxba qabanayn wadooyinka buuqa kala dul dhaqaaqa ayaynu leenahay”