500 Oo Xoogii Dalka Somaliland Ah Oo Badda Talyaaniga Ku Haligmay, Iyo Quusta Siyaasiyiinta Kursiga U Feedhanaaya Ee Qabyaalada Ku Qaybiyay

0
464

Ku dhowaad shanboqol oo dhallinyaro, aqoonyahano iyo ubax soo kacaya u ahaa Somaliland ayaa ku halligmay badwaynta Talyaaniga iyo Masar u dhaxaysa ka dib markii ay doontii siday oo ka shiraacatay magaalada Alexndaria ee dalka Masar ay ku dagtay badda Medetirian-ka.

mayd
Doontan degtay oo ay saarnaayeen 500 oo qof ayaa ku dagtay badda u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga ayna ku naf waayeen in ka badan 460 qof kuwaasoo intooda badani ay ka soo jeedeen gobolada kala duwan ee Somaliland, iyadoo ay ugu badnaayeen gobolada Togdheer, Maroodi-Jeex, Saaxil, Awdal iyo Sool.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada dhallinyarada reer Somaliland ee musiibadaasi ku naf wayday, xukuumaduna aanay war ka soo saarin ayaa hadana waxa la filayaa in boqolkiiba sagaashan ay 90% ay ahaayeen dhallintii reer Somaliland ee wax ka baran jirtay Masar iyo qaar dalka dhowaan ka tagay, kuwaasoo u hanqal taagayay inay gaadhaan qaaradda Yurub.

Dadka musiibadan ku naf waayay ayaa waxaa ka mid ah lamaane is qabay oo lagu magacaabi jiray Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed shuuriye Ibraami iyo xaaskiisii Hani, iyadoo illaa shalayna ay baraha bulshadu ku kulanto buux dhaafiyeen sawirada qaar ka mid ah marxuumiintii shilkaasi ku geeriyooday oo badankoodu Hargeysa iyo Burco ka soo jeeday.

Madaxwaynaha Somaliland, Golayaasha qaranka, axsaabta siyaasadda iyo laamaha kala duwan ee dawladda ayaan ilaa hadda wax jawaab ah arrinkaasi ka bixin tacsiba ha noqotee, maadaama musiibadan ay ku lee’deen ubaxii dalkan u soo kacayay ayaa la filayay inuu si gaar ah Madaxwaynaha Somaliland dareen naxariis iyo wer wer leh ka bixiyo balse taasi ayaan dhicin, waxaana muuqataa danaynta la’aanta dawladda ee dhallinta iyo mustaqbalkoodaba.

Ugu dambayn musiibadan ayaa xaqiiqo ahaan waxaa sababteeda yeelanaya siyaasiyiinta Somaliland ee kusriga ku fadhiya iyo kuwa haatan u feedhanaya ee hayb haybta iyo qabilka miciinsaday, halka ay dhallintiina jihayn la’aan iyo rajo la’aani soo wajahayso maalinba maalinta ka dambaysana ay ku sii dhiiranayaan inay dalka iskaga hayaamaan.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here