Badda Berbera ayaa goor dhaweyd liqday saddex caruur oo ku dabaalanaayay agagaarka Dekedda kaluumaysiga Berbera, Saddexdan caruur ah oo reer Berbera ah ayaan ilaa hadda maydadkodii lahayn oo la baadhaya, waxaana la sheegay in xiliga ay badda galayeen caruurtani inay kasoo rawaxeen Malmaacad qurxaan ku taala xaafada daaroole ee Berbera oo ku dhaw goobta ay badda ka galeen ee agagaarka xarunta kaluumaysiga Berbera ee Neck fish.
saddexda caruur ayaa waxa dadooda lagu qiyaasaya 8 jir ilaa 7 jir inta u dhaxaysa waxaana sadexda caruur ee baddu liqday laba kamida kala dhalay Axmed Haybe Warsame(Malas)oo kamida shaqaalaha Dekedda Berbera iyo Maxamed Saalax oo isaguna kamida dadka reer Berbera ahaan jiray Ganacsade ka shaqeyn jiray shirkada Sigaarka ka ganacsata oo la odhan jiray Bat.
Wiilka saddexaad ayaan ilaa hadda la aqoonsan cida dhashay walina waxa badda laga baadhayaa Meydadkoodii oo aan lahaynin, waxaana xeeliga badda ama halkii ay badda ka galeen laga helay maryahoodii iyo buugaag ay siteen.
Sababta liqida Badda ee caruurtan ayaa loo aanaynayaa badda oo kusoo buuxsantay markii ay galeen iyada oo caarid ah ilaa hada noomay suuragalin in aanu war ka helo waalidiinta caruurtan dhalay oo ku hawlan baadhista maydadka caruurta oo badda laga baadhayo.
Like this:
Like Loading...
Related