TOP:- Xildhibaanada Somaliland matalaya ee Baarlamaanka Somalia sidee loo soo xulayaa..

0
518

Shirkii madasha ee shalay lagu soo gabogabeeyay magaalada Muqdisho ma jirin masuul si cad u matalayay Dawlada  Somaliland, balse waxaa ka qeyb galayay xubno Somaliland kasoo jeeda oo dowlada Soomaaliya ka tirsan.

Sida qodobada ku cadeyn Somaliland ayaa xubno ku yeelanaysa aqalka sare iyo aqalka Hoose ee baarlamaanka dowlada Soomaaliya ee la dhisayo ka hor doorashada dhaceysa bisha sideedaad ama sagaalaad ee sanadkan.

Waxaa qodobada lagu hishiiyay kamid ah in Somaliland xubnaha matalaya aykeenaan odayaashii dhaqanka ee horey usoo xulay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee haatan jira kuwaasi oo la sheegay iney xildhibaanada keenayaan.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ee matalaya Somaliland iney dooran karaan degmo ama meel Soomaaliya kamid ah oo la iskugu geyn doona kadibna ay soo xuli doonaan baarlamaanka.

Somaliland ayaa sheegtay ineysan waxba kala socon doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya islamarkaana aysan jirin cid u matalaysa siyaasada Soomaaliya.

QORYAALENEWSIMG_B21AD6-E9B325-781A7B-A614F2-50D32D-9E7B50COM.

XAFIISKA-MUQDISHO.

NALA SOO XARIIR .

Qoryaalenewsc@gmail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here