sbaheysiga Kulmiye Oo La Filaayo In Ay Dacwad Ka Dhan Gudoomiye Muuse Biixi U Gubin Doonan Maxkamada .
Garabkii dhawaan qaadacey shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye isla markaana la magac baxay Garabka isbaheysiga dumuqraadiyad doonka xisbiga Kulmiye ayaa la filayaa in ay dacwad ka dhan ah gudoomiye Muuse Biixi ay u gudbiyaan Maxkamada
Isbaheysiga ayaa waxaa ay ku doodayaan in Hogaamiye Muuse Biixi uu baal maray xeerkii xisbiga isla markaana uu isticmaalay awoodo ka baxsan inta uu u ogalyahay xeerku xisbigu
Dhawaan ayey aheyd markiiay war saxaafadeed soo sareen xisbiga Kulmiye ay ku sheegen in xubno ka tirsan isbaheysiga laga saaray xubin nimadii iyo xisbigiiba taas oo ay ganafka ku dhufteen isbaheysiguna .