Hoggaamiyaha Mucaaradka Koonfurta Sudan Oo Laba Sanno Ka Dib Ku Laabtay Magaalada Juba.

0
397

Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka South Sudan, Riek Machar, ayaa wuxuu ku laabtay dalkaasi, ka dib in ka badan laba sano oo uu ka maqnaa.
Hogaamiyahan oo hadda ku sugan Magaalada Pagak, ayaa waxaa toddobaadka soo socda lagu wadaa inuu gaaro Xarunta South Sudan Ee Magaalada Juba.

Riek Machar, ayaa kolka uu ku laabto Magaalada Juba waxaa uu noqon doonnaa Madaxweyne Ku Xigeenka South Sudan, sida ku cad heshiis uu sanadkii hore la gaaray dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Salva Kiir.

Afhayeen u hadlay Riek Machar, ayaa BBC u sheegay in ninkaasi uu hadda ku sugan yahay xarunta mucaaradka South Sudan oo ku taala bariga dalkaasi, isagoo intaa ku daray in Isniinta uu ku laaban doono Caasimadda Juba.

Beesha Caalamka iyo Ururka Midowga Afrika, ayaa Madaxweyne Kiir iyo Machar ku cadaadiyay inay soo afjaraan dagaalada sokeeye ee dalkaasi ka curtay bishii December ee sanadkii 2013-ka.

Dagaalada sokeeye ee dalkaasi, ayaa ka dambeeyay markii Madaxweyne Kiir uu Machar ku eedeeyay inuu qorsheynaayo afgembi ka dhan ah Xukuumadda Juba.

Dagaaladan, ayaa sababay dhimashada kumanaan qof iyo barakaca in ka badan laba milyan oo dadka reer South Sudan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here