Gudomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani oo Safaro Isdabajoog ah Todobaadkan ugu Baxay Wadamada Keniya, Itoobiya iyo Maraykanka

0
507

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi oo uu wehelinayo Maxamed Cismaan Fadal

 oo ka mid ah madaxda Xisbigiisa ayaa dalka Kenya ugu kicitmay safar uu kula soo kulmayo beesha Caalamka kuwooda Somaliland ka taageera Doorashooyinka isagoo u gudbinaya Dacwad ka dhan ah qorsha Xukuumadda ee dib loogu dhigay Diiwaangalinta, isagoo muujinaya walaaca uu ka qabo inay xukuumaddu ku doonayso inay dib ugu dhigto Doorashooyinka.
C/raxmaan Cirro iyo Xisbigiisa ayaa ka biyo diiday baaqii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku hakiyey Diiwaangalinta ee ay ku raaceen Komishanka iyo Golayaasha Qaranka, waxaanay ku eedeeyeen Xukuumadda inay ka meeraysanayso inay qabsoomaan Doorashooyin, iyagoo ku dooday inay ogayd inay abaaro dalka ka taagan yihiin balse goboladii ugu darnaa laga fuliyey Diiwaangalinta.
Xisbiga Wadani ayaa ka hor intaanay madaxdiisu u bixin Dalka Kenya qaylo dhaantaas gaadhsiiyey beesha Caalamka isagoo safarkoodana sii xoojinayo Dacwadaasi, hase yeeshee wefti wasiiro ah ayey xukuumadda Kulmiye u dirtay Dalka Kenya si ay eedaas uga hor tagaan.
Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Sacad Cali Shire iyo wasiirka wasaaradda Qorshaynta Cali Salaan X Jirde ayaa toddobaadkii hore kulamo kula soo yeeshay Dalka Kenya qaadhaan-bixiyayaal iyo Dublamaasiyiin kala duwan iyagoo u bandhigay sida ay sheegeen baaxada Abaartii ka taagnayd Somaliland.
Labada Wasiir inkasta oo ay warbaahinta u sheegeen kulamadii ya la soo yeesheen beesha Caalamka inay kala hadleen saamaynta Abaarta, hadana waxa xaqiiqo ah ujeedada ugu muhiimsani inay ahayd ta ay ku yeelatay Doorashooyinka si ay uga hortaagan Eedaha Xisbiga wadani arrintaas ugu soo jeediyey, iyagoo ku dooday inaanay waxba ka jirin Dacwada caynkaas ah ee loo keenay.
C/raxmaan Cirro iyo masuuliyiintiisa xisbigiisa ee la socota ayaa wali ku sugan dalka Kenya waxaana la filayaa marka ay Dalka ku soo laabtaan inay faahfaahin doonaan waxa ay kala soo kulmeen madaxda ay la soo shireen.
Eedaha ay masuuliyiinta Somaliland isaga gudbinayaan beesha Caalamka ayaa sumcad xumo ku ah Somaliland maadaama waxa ay isku hayaan aanu mudnayn in heerkaas la gaadhsiiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here