War Deg Deg:Suldaanka Beelaha Habaryoonis Suldaan,Maxamed Suldaan Xirsi Qani Iyo Weft Uu Hogaaminaayo Oo Ciidamada Liyuu Bolice U Taxaabeen Xabsiga

0
473

War Deg Deg:Suldaanka Beelaha Habaryoonis Suldaan,Maxamed Suldaan Xirsi Qani Iyo Weft Uu Hogaaminaayo Oo Ciidamada Liyuu Bolice U Taxaabeen Xabsiga

Cuqaal Iyo Salaadiin Ka Soo Jeeda Beelaha Habar Yoonis Oo Maalintii Shalay Gaadhay Magaalada Gaashaamo Taas Oo Ay U Tageen Xalinta Shaqaaqadii Dhexz Martay Ciidamada DDSI Iyo Dadka Shacabka Ee Ku Nool Tuulada Daalaco Oo Hore Ay Rasaas Isku Weydaarsadeen Ciidamada Liyuu Bolice Iyo Shacab Rayd Ah Oo Degana Tuulada Daalaco
Goob Jooge Ku Sugan Tuulada Daalacato Ayaa Shebekada Burcoonline News U Xaqiijiyay In Ay Ciidamadu Ka Xaysteen Wefti Dhaqmeed Uu Hogaaminaayo Suldaanka Guud Ee Beelaha Habar Yoonis Suldaan,Maxamed Suldaan Xirsi Qani Oo Ka Mida Cuqaasha Dhex Dhexaadinta Kaga Jiray Sidii Oo Loo Xalin Laha Dhacda Ka Dhacday Tuulada Daalaco
Cuqaashan La Qafaashay Ayaa Waxa Ay Ka Danbeysay Ka Dib Markii Ciidamada Liyuu Bolice Ay Amar Ku Siiyeen Cuqaasha Inay Gacanta U Soo Geliyaan Gaadiid Ay Leeyihiin Dad Degan Tuulada Taas Oo Ay Hore Uga Bilaabantay Fidmadu Waxaana La Xaqiijiyay In Uu Suldaanka Qaatay Arinkaas Balse Ay Ka Biyo Diideen Dadka Tuulada Daalaca Iyo Cuqaashii Kale Ee La Socotay,Waxaanay Ciidamadu Gaadiidka Askarta Ku Qaadeen Suldaanka Guud Ee Beelaha Habar Yoonis Iyo Weftidiisii
Ugu Danbayn Ciidamada Ayaa La Sheegayaa In Ay Suldaanka Iyo Weftidiisa Ay Shalay Ku Gureen Jeelasha Ku Yaala Magaalada Gaashaamo Halka Isla Shalay Gelinkii Danabana Loo Qaatay Dhankaas Iyo Caasimada Jig Jiga Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itobiya

Ma Jiraan Ilaayo Hada Cid Si Rasmi Ah Uga Hadashay Dhacdadan Lagu Af Duubtay Cuqaashan Ka Soo Jeeda Beelaha Habar Yoonis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here